(Madrid) 14 Okt 2019. Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa la soo warinayaa inay albaabada u furtay inuu kooxda ka tago Luka Modric mustaqbalka dhow.
34-sano jirkaan kaasoo Los Blancos ka mid ahaa tan iyo sanadkii 2012-kii ayaa u saftay in ka badan 300 oo kulan kooxda reer Spain, waxaana uu kula guuleystay hal horyaalka La Ligaha ah iyo afar Champions League.
Modric oo bandhig cajiib ah sameeyey ayaa ku guuleystay sanadkii la soo dhaafay abaal-marinta Ballon d’Or 2018, laakiin laacibkan khadka dhexe ayaa bishii la soo dhaafay 34-sano jirsaday, wuxuuna ku dhibtooday joogteynta marxaladaha hore ee xilli ciyaareedkan 2019-20.
Sida uu warinayo Warsidaha Diario Gol, Real Madrid ayaa isku diyaarinaysa inay xiddiga xulka qaranka Croatia ka iibiso kooxda ku habboon, iyadoo la soo jeedinayo in Paris Saint-Germain ay dooneyso inay u soo bandhigto xiddigii gaaray finalkii koobka adduunka 2018 ugu yaraan bixinta mushaharkiisa.
Kooxda Tottenham Hotspur ayaa sidoo kale lagu qiimeeyey inay xiiseynayaan xiddigoodii hore ee khadka dhexe, iyadoo Real Madrid ay u muuqato inay xiiso u qabaan inay Christian Eriksen keenaan garoonka Bernabeu.
Xiddiga khadka dhexe ee Modric ay iska garab ciyaaraan ee Toni Kroos ayaa sidoo kale la la xiriiriyay inuu ka tagayo Real Madrid suuqii xagaaga ka hor inta uusan ugu dambeyn qandaraas cusub u saxiixin kooxda uu hoggaamiyo Tababare Zinedine Zidane.
Gool FM.