(Yurub) 15 Okt 2019. Boqolkii xiddig ee u sharaxnaa abaal-marinta Wiilka Dahabiga ee ‘Golden Boy’ ayaa laga soo reebay 20 laacib oo qura.
Abaal-marintan oo la siiyo ciyaaryahanka ugu fiican sanadka xiddigaha da’doodu ka hooseyso 21-ka sano ee ka ciyaaraya qaaradda Yurub ayaa waxaa codeeya Suxufiyiinta Isboortiga.
Bild (Germany), Blick (Switzerland), A Bola (Portugal), l’Équipe (France), France Football (France), Marca (Spain), Mundo Deportivo (Spain), Ta Nea (Greece), Sport Express (Russia), De Telegraaf (Netherlands), iyo The Times (United Kingdom) ayaa ka mid ah wargeysyada codeynaya abaal-marintan.
Waxaa xubin waliba oo codeynaysa ay dooranayaan shan ciyaaryahan iyagoo 10 dhibcood siinaya xiddiga koowaad, 7 dhibcood siinaya kan kaalinta labaad, shan dhibcood siinaya xiddiga kaalinta saddexaad, saddex dhibcood siinaya xiddiga kaalinta afaraad, isla markaana laacibka shanaad siinaya kaliya hal dhibic.
Wayne Rooney, Lionel Messi, Cesc Fabregas, Sergio Aguero, Paul Pogba, Raheem Sterling iyo Anthony Martial ayaa ka mid ah ciyaartoyda horay ugu guuleysatay abaal-marintan.
20-ka ciyaaryahan ee haatan isugu soo haray abaal-marinta Golden Boy 2019 waxaa ku jira Joao Felix, Matthijs de Ligt, Ansu Fati iyo Nicolò Zaniolo.
Sanadkii la soo dhaafay waxaa abaal-marintan ku guuleystay daafaca Ajax ee Matthijs de Ligt, ka hor inta uusan gaarin afar dhammaadka Champions League, isla markaana kaddib dhammaystirin ku biiristiisa kooxda Juventus.
Ciyaaryahanka ugu cad-cad inuu ku guuleysan doono abaal-marintan waa weeraryahanka Kooxda Atletico Madrid iyo xulka qaranka Portugal ee Joao Felix, waxaana guuleystaha abaal-marintan looga dhawaaqi doonaa munaasbad lagu qabanayo Magaalada Turin 16-ka bisha December.
Saddex ciyaaryahan oo Talyaani ah ayaa ka soo muuqday liiskan ka kooban 20-ka laacib ee u sharraxan abaal-marinta wiilka dahabiga ah, waxaana ay kala yihiin Goolhayaha Milan ee Gianluigi Donnarumma, laacibka khadka dhexe ee Roma Zaniolo iyo saxiixa cusub ee Everton, Moise Kean.
Halkaan hoose ka eeg 20-ka xiddig ee isugu soo haray abaal-marinta Golden Boy 2019:-
Matthijs de Ligt (Juventus, Netherlands)
Alphonso Davies (Bayern Munich, Canada)
Gianluigi Donnarumma (Milan, Italy)
Ansu Fati (Barcelona, Spain)
Philip Foden (Manchester City, England)
Matteo Guendozi (Arsenal, France)
Erling Haland (RB Salzburg, Norway)
Kai Havertz (Bayer Leverkusen, Germany)
Joao Felix (Atletico Madrid, Portugal)
Dejan Joveljic (Eintracht Frankfurt, Serbia)
Moise Kean (Everton, Italy)
Kang-in Lee (Valencia, South Korea)
Andrij Oleksijovyc (Valladolid, Ukraine)
Danyell Malen (PSV Eindhoven, Netherlands)
Mason Mount (Chelsea, England)
Rodrygo (Real Madrid, Brazil)
Jadon Sancho (Borussia Dortmund, England)
Ferran Torres (Valencia, Spain)
Vinicius Jr (Real Madrid, Brazil)
Nicolò Zaniolo (Roma, Italy)
Gool FM.