(Barcelona) 31 Okt 2019. Daafaca kooxda Barcelona ee Gerard Piqué ayaa sheegay in Blaugrana ay dooneysay dib u soo celinta xiddiga reer Brazil iyo naadiga Paris Saint-Germain ee Neymar Jr intii lagu jiray suuqii kala iibsiga xagaaga ee la soo dhaafay.
Gerard Piqué wuxuu qirtay in ciyaartooyda Barcelona ay u soo bandhigeen madaxweynaha Josep Maria Bartomeu inay diyaar u yihiin in qeyb ka mid ah mushaharkooda ay dhimaan si Neymar Jr dib loogu soo celiyo garoonka Camp Nou.
Daafacan joogga dheer ayaa sidoo kale caddeeyey in Neymar jr ay u sheegeen inuu aadan xabsi dahab ah, laakiin ay diyaar u ahaayeen inay mushaarkooda dhimaan xiddigaha Barcelona si dib loogu soo celiyo.
Piqué ayaa wareysi uu ku bixiyay Radio “Cadena SER” ee dalka Spain wuxuu ku sheegay:
“Kubada cagta wax walba way ka dhici karaan, waxaan horey ugu sheegnay Neymar Jr markii uu u dhaqaaqay Paris Saint-Germain inuu aadi doono xabsi dahab ah”.
“Sida ay wararku sheegayaan wuxuu doonayaa in markale uu dib u soo laabto, waa sax, albaabada way u furan yihiin”.
“Waxaan u sheegnay madaxweyne Josep Maria Bartomeu inaan diyaar u nahay inaan badali karno qandaraasyadeenna, maxaa yeelay waxaan ognahay inay jirto arrinta ku saabsan xeerka dhaqaala wanaagga ee Financial Fair Play”.
“Sidaas darteed waxaanu u sheegnay madaxweynaha inaan dhino mushaharaadkeenna sanadka koowaad, labaad, saddexaad ama afaraad, si uu u awoodo Neymar Jr inuu dib u soo laabto, waxaan raadineynay qaacido ku habboon, kooxduna waxay sheegtay in tani ay u muuqato mid wanaagsan”.
Gool FM.