(Barcelona) 02 Nof 2019. Laacibkii hore kooxda Barcelona Andrés Iniesta ayaa sheegay inuu dareen xoogan ka qabo dib ugu soo laabashada Neymar Jr ee garoonka Camp Nou mustaqbalka dhow.
27 jirka reer Brazil iyo kooxda Paris Saint-Germain ayaa si weyn lala xiriirinayay suuqii xagaaga ee la soo dhaafay inuu dib ugu laabanayo naadiga uu hogaamiyo macalin Ernesto Valverde ee Blaugrana.
Laakiin PSG ayaa iska diiday dhamaan dalabyadii ay Barcelona ka gudbisay weeraryahanka reer Brazil, taasoo keentay inuu sii joogo caasimada Paris isagoo sugaya waxa dhici doona bilaha soo socda.
Haddaba laacibkii hore kooxda Barcelona ee Andrés Iniesta ayaa wareysi uu ku bixiyay wargeyska “Marca” ee dalka Spain ayaa wuxuu ku sheegay inuusan ogeyn halka uu Neymar Jr kaga ciyaari doono Blaugrana oo ay qeyb ka yihiin xilligan la joogo Lionel Messi, Luis Suarez, Ousmane Dembélé, Antoine Griezmann iyo da’ayarka Ansu Fati.
Andrés Iniesta oo arrintan ka hadlayay ayaa wuxuu yiri:
“Ma aqaano sida ay wadahadalada u socdaan ama haddii uu Neymar ku soo laaban doono Barca”.
“Laakiin waxa ay noqon doontaa qeyb muhiim ah, mana aqaano sida ay xaaladdu noqon doonto jiritaanka ciyaartoy badan oo heer sare ah ee wada jooga”.
Gool FM.