(London) 05 Nof 2019. Kooxda Kubadda cagta Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay xiiso u qabto weeraryahanka kooxda Lyon ee Moussa Dembele si ay u xoojiso weeraarkeeda marka dib loo furo suuqa kala iibsiga xiddigaha bisha Janaayo.
Blues ayaa haatan laga mamnuucay inay u keento ciyaartoy cusub kooxda sababo la xiriira xayiraad dhanka suuqa kala iibsiga ah, laakiin kooxda ka dhisan caasimadda Ingiriiska ayaa la sheegay inay kalsooni ku qabaan inay heli karaan haddii go’aaankaasi laga laabto suuqa qaboobaha.
Sida laga soo xigtay Wargeyska Daily Mail, kooxda Frank Lampard ayaa xiiseynaysa inay soo xero-geliso Moussa Dembele, kaasoo si xooggan loola xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Manchester United isbuucyadii dhowaa.
Warbixinta ayaa sheeganaysa in Chelsea ay ka warqabto xiisaha Old Trafford, laakiin ay ka go’an tahay inay ku guuleystaan tartanka loogu jiro ninka reer France.
Moussa Dembele ayaa dhaliyay siddeed gool 11 kulan oo uu u saftay Lyon intii lagu jiray xilli ciyaareedkii 2019-20, inkastoo uusan wali shabaqa soo taaban saddex kulan oo Champions League ah xilli ciyaareedkan.
23-sano jirkaan oo 51 gool u dhaliyay 94 kulan oo uu u saftay Celtic ka hor inta uusan u dhaqaaqin Ligue 1, waxaana qandaraaska uu kula jira kooxdiisa Faransiiska uu ku egyahay illaa xagaaga 2023-ka.
Gool FM.