(Paris) 17 Nof 2019. Kooxda kubadda cagta Paris Saint-Germain ayaa la soo warinayaa inay qorsheynayso inay la soo wareegto laacib ka tirsan naadiga reer England ee Liverpool.
Jariiradda The Mirror ayaa warinaysa in kooxda reer France ee Paris Saint-Germain ay xiiseynayso saxiixa Adam Lallana kaasoo ay doonayaan inay beeca xorta ah uga soo qaataan Liverpool.
Xiddiga xulka qaranka England ayaa qandaraaskiisu dhacayaa dhammaadka xilli ciyaareedka sidaas darteedna xor ayuu u yahay inuu heshiis hordhac ah la saxiixdo kooxaha ajaaniibta ah laga bilaabo bisha Janaayo.
Liverpool ayaa u adeegsan lahayd lacagta ay ka hesho mushaharkiisa inay u weeciso weeraryahanka Bournemouth ee Ryan Fraser, kaasoo la la xiriiriyay inuu si xor ah ugu wareegi doono garoonka Anfield.
Gool FM.