Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Macallin Jose Mourinho oo kaalinta labaad ka galay 10-ka Tababare ee ugu mushaharka badan kubadda cagta Adduunka

$
0
0

(World) 21 Nof 2019. Waxaa la shaaciyey 10-ka Tababare ee ugu mushaharka badan kubadda cagta Adduunka haatan kaddib markii macallin Jose Mourinho uu hoggaanka u qabtay kooxda ka dheesha Premier League ee Tottenham.

Hoggaamiyaha reer Portugal ee Jose Mourinho ayaa noqday macallinka labaad ee ugu mushaharka badan kubadda cagta Adduunka kaddib markii uu Tottenham u saxiixay heshiis saddex sanadood iyo bar ah oo uu sanadkii kaga qaadanayo adduun dhan 15 milyan oo gini.

Waxaa kaliya ka sarreeya Jose Mourinho macallinka kooxda Manchester City ee Pep Guardiola kaasoo kooxda ku ciyaarta Etihad ka qaata sanadkii mushahar dhan 20 milyan oo gini.

Tababaraha kooxda Atletico Madrid ee Diego Simeone ayaa kaalinta saddexaad ka soo galay Liiskan kaasoo kooxda ka dhisan caasimadda Spain hoggaaminaya tan iyo sanadkii 2011-kii, waxaana kooxda uu la qaaday horyaalka La Liga isla markaana uu labo goor geeyey final-ka Champions League uu ka qaataa sanadkii adduun dhan 13 milyan oo gini.

Haddaba halkaan hoose ka eeg tobanka Tababare ee ugu mushaharka badan kubadda cagta Adduunka:-

1- Pep Guardiola – Manchester City (£20m)

2- Jose Mourinho – Tottenham (£15m)

3- Diego Simeone – Atletico Madrid (£13m)

4- Rafa Benitez – Dalian Yifang (£11.5m)

5- Fabio Cannavaro – Guangzhou Evergrande (£10m)

6- Zinedine Zidane – Real Madrid (£10m)

7- Antonio Conte – Inter Milan (£9m)

8- Thomas Tuchel – PSG (£8m)

8- Ernesto Valverde – Barcelona (£8m)

10- Jurgen Klopp – Liverpool (£7m)

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles