(Yurub) 24 Nof 2019. Kulammo dhowr ah oo ka tirsan shanta horyaal ee ugu waa weyn qaaradda Yurub ayaa maanta iyo caawa la ciyaari doonaa, iyadoo ay ku jiraan ciyaaro xiiso leh.
Waxaan halkaan idin kugu soo gudbinaynaa kulammada laga ciyaari doono maanta iyo caawa Shanta horyaal ee ugu weyn qaaradda Yurub ee kala ah; English Premier League, Italian Serie A, La Ligaha Spain, Bundesliga Jarmalka iyo Ligue 1 Faransiiska.
Aan ku horreyno horyaalka Premier League Ingiriiska, waxaa jira hal kulan oo laga ciyaarayo caawa, waxaana wada dheeli doona kooxaha Sheffield United iyo Manchester United.
Dhinaca kale horyaalka La Ligaha Spain haddii aynu eegno waxaa maanta iyo caawa laga ciyaarayaa kulamo dhowr ah, waxaana ka mid ah kulanka ay Real Valladolid soo dhoweynayso naadiga Sevilla caawa.
Horyaalka Serie A haddii aynu eegnana kulanka ugu weyn waxa uu galabta dhexmari doonaa 5:00 Galabnimo kooxaha Roma iyo Brescia.
Dhinaca kale waxaa la dheeli doona kulamo ka tirsan horyaalka Bundesliga waxaa kulammadaas ka mid ah midka dhexmari doona caawa kooxaha Hoffenheim iyo Mainz 05.
Horyaalka Ligue 1 ee Faransiiska haddii aynu eegnana kulamo dhowr ah ayaa la ciyaarayaa waxaana laga xusi karaa kulanka dhexmari doona kooxaha Bordeaux iyo Monaco 5:00 Galabnimo xilliga geeska Afrika.
ENGLAND – PREMIER LEAGUE
7:30 habeennimo Sheffield United vs Manchester United
SPAIN – LALIGA SANTANDER
2:00 Duhurnimo RCD Espanyol vs Getafe
4:00 Galabnimo Osasuna vs Athletic Bilbao
6:00 Maqribnimo Eibar vs Deportivo Alaves
8:30 Habeennimo Villarreal vs Celta Vigo
11:00 Habeennimo Real Valladolid vs Sevilla
ITALY – SERIE A
2:30 Duhurnimo Bologna vs Parma
5:00 Galabnimo Roma vs Brescia
5:00 Galabnimo Verona vs Fiorentina
5:00 Galabnimo Sassuolo vs Lazio
8:00 Habeennimo Sampdoria vs Udinese
10:45 Habeennimo Lecce vs Cagliari
GERMANY – BUNDESLIGA
5:30 Galabnimo Augsburg vs Hertha BSC
8:00 Habeennimo Hoffenheim vs Mainz 05
FRANCE – LIGUE 1
5:00 Galabnimo Bordeaux vs Monaco
7:00 Fiidnimo Saint-Etienne vs Montpellier
11:00 Habeennimo Toulouse vs Marseille
Gool FM.