Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Horudhac: Real Madrid vs Paris Saint-Germain … (Los Balancos oo guul u baahan caawa si ay ugu gudubto 16-ka Champions League)

$
0
0

(Madrid) 26 Nof 2019. Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa eegeysa inay Paris Saint-Germain kula biirto heerka bug-baxa Champions League marka ay labada kooxood caawa ku kulmaan Bernabeu.

PSG ayaa horay u xaqiijisatay inay u soo baxday wareegga 16-ka Champions League, waxaana dhibic ay ku soo hesho Madrid ay ka dhignaan doontaa inay kaalinta koowaad kaga dhammaystaan Guruubkan A, halka guul ay gaarto Los Blancos caawa ay u xaqiijin doonto inay u gudubtay wareegga xiga ee 16-ka.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: UEFA Champions League

Taariikhda: Talaado, 26 Nof 2019

Saacadda ay bilaabaneyso dheesha: 11:00 Habeennimo xilliga geeska Afrika.

Garsooraha: Artur Dias (Portugal)

Garoonka: Estadio Santiago Bernabeu

Wararka Kooxaha:-

Gareth Bale ayaa ka caawiyey kooxdiisa Real Madrid guushii ay ka gaartay Real Sociedad kaddib markii uu ka soo kacay kursiga keydka kulankii Sabtidii, laakiin imaanshihiisa garoonka waxa uu la kulmay oorin iyo foori.

Xiddiga xulka qaranka Wales ayaa rajaynaya inuu ku soo bilaaban doono kulankan uhiimka ah, laakiin waa in la arkaa haddii ay taasi dhacdo.

Toni Kroos ayaa dib ugu soo laaban doona kooxdiisa kaddib markii kursiga keydka la dhigay kulankii horyaalka ee bilowgii todobaadkan.

Lucas Vazquez iyo James Rodriguez ayaa labaduba sii wadan doona maqnaanshadooda kooxda uu hoggaamiyo tababare Zinedine Zidane, halka Nacho shaki la galinayo.

Dhinaca kale labada ciyaaryahan ee Paris Saint-Germain Neymar iyo Kylian Mbappe ayaa diyaar u ah kulankan waxaana la filayaa inay si wadajir ah ugu soo bilaaban doonaan kulan markii ugu horreysay xilli ciyaareedkan.

Sidaasi daraadeed Tababare Thomas Tuchel waxaa ku adkaan doonta go’aanka uu kaga tagi doono keydka mid ka mid ah Angel Di Maria ama Mauro Icardi kulanka caawa.

Marco Verratti ayaa la safray xiddigaha kooxdiisa PSG kulankan kaddib markii uu ka soo laabtay dhaawac uu la maqnaa, laakiin Ander Herrera, Layvin Kurzawa, Eric Maxim Choupo-Moting iyo Thilo Kehrer sii maqnaan doona kulankan.

Di Maria iyo Verratti ayaa seegi doona kulanka ugu dambeeya ee PSG ay ciyaari doonto heerka Guruubyada Champions League haddii ay kaarka digniinta ah qaataan kulanka ay caawa ka horjeedaan Real Madrid.

Xaqiiqooyinka Ciyaarta:-

>- PSG ayaa guuleysatay 7 ka mid ah siddeedeedii kulan ee ugu dabeeyey oo ay ciyaartay tartanka UEFA Champions League.

>- Kooxda PSG ayaa shabaqeeda gool ka ilaashatay afarteedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay dheeshay UEFA Champions League.

>- Real Madrid ayaa dhalisay wax ka badan 2.5 gool afarteedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay la ciyaartay PSG tartammada oo dhan.

>- Kulankii hore ee labadan kooxood Real Madrid iyo PSG ku dhexmaray caasimadda Faransiiska ayaa ku soo dhammaaday 3-0 looga soo adkaaday kooxda ka dhisan caasimadda Spain, Los Blancos ayaana caawa indhaha ku haysa inay ka aar-gudato Paris Saint-Germain marka ay ku soo dhoweynayaan Magaalada Madrid.

Shaxda Macquulka ee labada koox:-

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles