(Paris) 03 Dis 2019. Kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa xalay markiisii lixaad loo gacan geliyey abaal-marinta Ballon d’Or, laakiin waxaa xusid mudan in kaliya uu 7-dhibcood kaga qaaday abaal-marintan daafaca Liverpool ee Virgil Van Dijk.
Rikoorrada codadkii xiddig weliba uu helay tartanka abaal-marinta Ballon d’Or 2019 ayaa la soo xaday oo lagu faafiyey baraha xiriirka bulshada ee dhinaca Internet-ka, iyadoo la arki karo sida uu Van Dijk ugu dhowaaday inuu ku guuleystay markiisii ugu horreysay abaal-marinta Ballon d’Or isagoo kaliya 7-dhibcood ka dambeeyey Lionel Messi.
Xiddiga xulka qaranka Argentina ee Lionel Messi ayaa si rikoor ah abaal-marinta Ballon d’Or ugu guuleystay markiisii lixaad sanadkan, waxaana uu ku garaacay Virgil van Dijk iyo Cristiano Ronaldo, laakiin taageerayaal badan oo kubadda cagta ah ayaa rumeysan in daafaca Liverpool uu leeyahay awood uu ku hanto abaal-marintan.
Liiskan 30-ka laacib ee loo soo xushay tartanka abaal-marintan ayaa dhibcaha ay kala heleen si qarsoodi ah loogu shaaciyey Internet-ka, Van Dijk ayaana kaliya 7-dhibcood ka dambeeya ku guuleystaha Ballon d’Or.
Halkaan hoose dhibcaha ay kala heleen guud ahaan 30 xiddig ee loo xushay Ballon d’Or:-
1st – Messi – 686 dhibcood
2nd – Van Dijk – 679 dhibcood
3rd – Ronaldo – 476 dhibcood
4th – Mané – 347 dhibcood
5th – Salah – 178 dhibcood
6th – Mbappé – 89 dhibcood
7th – Alisson – 67 dhibcood
8th – Lewandowski – 44 dhibcood
9th – Bernardo Silva – 41 dhibcood
10th – Mahrez – 33 dhibcood
11th – De Jong – 31 dhibcood
12th – Sterling – 30 dhibcood
13th – Hazard – 25 dhibcood
14th – De Bruyne – 14 dhibcood
15th – De Ligt – 13 dhibcood
16th – Agüero – 12 dhibcood
17th – Firmino – 11 dhibcood
18th – Griezmann – 9 dhibcood
19th – Alexander-Arnold – 8 dhibcood
20th – Tadic – 5 dhibcood
20th – Aubameyang – 5 dhibcood
22nd – Son Heung-min – 4 dhibcood
23rd – Lloris – 3 dhibcood
24th – Koulibaly – 2 dhibcood
24th – Ter Stegen – 2 dhibcood
26th – Wijnaldum – 1 dhibcood
26th – Benzema – 1 dhibcood
28th – Felix – 0 dhibcood
28th – Marquinhos – 0 dhibcood
28th – Van der Beek – 0 dhibcood
Gool FM.