(Paris) 03 Dis 2019. Isagoo xalay la hadlay Canal Plus laacibkii hore ee PSG haatanna ciyaaraha tabiya ee Habib Beye ayaa tilmaamay in abaal-marintii la bixiyey xalay ee Ballon D’Or 2019 ay ahayd mid ay ka muuqatay midab takoor lagu sameeyey xiddiga garabka uga ciyaara Liverpool ee Sadio Mane, kaasoo kaalinta afaraad ka galay tartanka loogu jiray abaal-marintan, isagoo ka dambeeyey Cristiano Ronaldo, Virgil Van Dijk iyo Lionel Messi.
Isagoo ka hadlayay arrintaas waxa uu yiri: “Ma waxaad leedahay Messi waa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu fiican kubadda cagta Adduunka taariikhda? Haa, ma waxaad leedahay Messi waa xiddiga ugu fiican kubadda cagta waqti xaadirkan? Haa.
“Ma waxaad i leedahay Messi waa xiddiga ugu fiican kubadda cagta Adduunka 2019? Maya… laga yaabee dadka qaar in dhaqan ahaan loo takooray, laakiin Mané waa Afrikaan waana sababta uu kaalinta afaraad u galay, markaad dhinac walba ka eegtid waa sababta uu kaalinta afaraad u galay.
“Virgil van Dijk miyaa ka xilli ciyaareed fiicnaa Sadio Mané? Tababare Jurgen Klopp sidaas ayuu yiri dhowaan inuu isaga xitaa u malaynaayo, laakiin waxaan ku daawaday Liverpool horyaalka Premier League iyo Champions League sababtoo ah waxaan ahay mid labadaasi tartanba ka tabiya halkaan (Canal +).
“Si kale haddii aan iraahdo anigu waxaan ahay Senegalese, waxaana taageeraa Sadio Mané, laakiin markaan geeska kale ka eegno waa inaad daacad ka tahay waxa aad sheegeyso, qof walba oo ii sheegaya in Van Dijk uu ka xilli ciyaareed fiicanaa Mané, fadlan isii xeerka aad u cuskatay arrintaas.
“ila hadal aniga, waan ka wada doodi karnaa. Messi xaqiiqdii waa laacibka ugu fiican waqti xaadirkaan adduunka, markii aan daawanayno isaga, waxaan nahay kuwo ku raaxaysta gaar ahaan aniga, laakiin marka laga reebo in Messi la waayey meel uu ka baxay intii lagu guda jiray afar dhammaadkii Champions League ciyaartii ka dhacday Anfield.
“Isla mar ahaantaasna Mané iyo raggii kale ay final-ka gaareen, isla markaana ay ku guuleysteen tartanka…inaan aragno Mané oo afaraad ku jirana waa fadeexad cad oo bannaanka iska taal oo loo jeedo.” ayuu hadalkiisa ku soo xiray Habib Beye.
Gool FM.