(Paris) 16 Jan 2020. Sida ay warinayso RMCSport, kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa xiiseynaysa saxiixa xiddiga Paris Saint-Germain iyo xulka France garabka daafaca bidix uga ciyaara ee Layvin Kurzawa.
The Gunners ayaa la sheegay inay wadahadallo la furtay daafaca bidix, kaasoo qandaraaskiisa haatan ee Paris uu ku egyahay bisha June, ilaa uu ogolaado in heshiiska loo kordhiyo.
Waxaa la soo sheegayaa inay Arsenal weydiisatay 27-sano jirkaan inay la soo saxiixan karaan isaga bishan Janaayo ama xitaa dhammaadka xilli ciyaareedkan 2019-2020, inkastoo aysan ahayn kooxda kaliya ee doonaysa saxiixiisa.
Kooxaha The Gunners kala dhisan Magaalada London ee West Ham iyo Tottenham ayaa sidoo kale la la xiriirinayaa Kurzawa.
Daafaca dambeedka bidix ayaa lumiyay booskiisii safka hore ee 11-ka xiddig, wuxuuna ku dhibtooday waqtigiisa garoonka Parc des princes, inkastoo Arsenal ay doorbidayso inay la soo saxiixato daafaca dambeedka bidix, haddana waxay diyaar u yihiin inay u dhaqaaqaan bisha Janaayo haddii loo baahdo.
Dhinaca kale ciyaaryahanka qudhiisa ayaa u muuqda inuu ka tagayo caasimadda Faransiiska, waxaana uu dhowaan sameystay wakiilka cusub ee Kia Joorabchian, kaasoo dhawaanahan ku lug lahaa heshiisyo badan oo Arsenal ah, waxaana sidoo kale uu ku lug lahaa saxiixa David Luiz uu kaga yimid Chelsea xagaagii hore.
Kooxda reer Talyaani ee Inter Milan ayaa sidoo kale lagu soo waramayaa inay xiiseynayso xiddigan, laakiin ciyaaryahanka ayaa la sheegayaa inuu isha ku hayo inuu u dhaqaaqo koox ka ciyaarta horyaalka Premier League kaddib markii uu dhawaan diiday dalab uga yimid kooxda ka dheesha horyaalka Serie A sida ay sheegayaan warar kala duwan.
Gool FM.