(London) 23 Jan 2020. Kooxda Chelsea ayaa lagu soo warammayaa inay dalab amaah ah u dirtay weeraryahanka Paris Saint-Germain ee Edinson Cavani si ay ugu soo xoojiyaaan weerarkooda inta uu furan yahay suuqa bisha Janaayo.
32-jirkaan oo qandaraaskiisu dhacayo dhammaadka xilli ciyaareedkan 2019-20 ayay Blues gudbisay dalabkeeda ku aaddan Edinson Cavani si ay ugu qanciyaan kooxda ku ciyaarta garoonka Parc des Princes inay si amaah ku qaataan waaya aragan.
Manchester United, Atletico Madrid iyo Chelsea ayaa ka mid ah kooxaha la la xiriirinayo xiddiga heerka caalami ee dalka Uruguay, kaasoo ah gooldhaliyaha abid ugu goolasha badan kooxda PSG.
Sida laga soo xigtay Jariiradda The Times, kooxda Tababare Frank Lampard waxay u soo bandhigeen inay bixiyaan Cavani mushaharkiisa isbuucii ee ah 360 kun oo gini inta ka dhimman xilli ciyaareedka, waxaana ay sidoo kale bixin doonaan oo 5 milyan oo gini oo ah lacagta amaahda ah.
Warbixinta ayaa sheegaysa in Chelsea ay ka go’an tahay inay si amaah ah ku soo qaadato dhaliyahan, inkastoo aysan caddeyn inay isku dayi doonaan inay la soo wareegaan weeraryahankan qibrada leh si xor ah dhammaadka xagaagan.
PSG ayaa la fahansan yahay inay ku qiimeyso Cavani adduun dhan 23 milyan oo gini inkastoo qandaraaskiisa uu dhacayo, haddana waxa ay aamisan yihiin inay jiri doonaan xiisaha kooxahaas ka hor inta uusan xirmin suuqa bisha Janaayo.
Imaatinka Kooxda Chelsea ee Weeraryahanka ka soo jeeda Koonfurta Ameerika ayaa si cad albaabka ugu furi doonta Olivier Giroud, kaasoo aan iminka xitaa haysan booskiisa Blues, waxaana loo badinayaa inuu bishaan koox kale ku biiri doono.
Gool FM.