(Yurub) 01 Feb 2020. Waxaa xalay oo Jimco ah lasoo xiray suuqa kala iibsig ciyaartoyda ee bishii Janaayo, kaasoo lagu arkay heshiisyo muhiim ah, qaar ka mid ah kooxaha waaweyn ayaa waxay sii xoojiyeen safafkooda, si ay ugu diyaar garoobaan qeybta labaad ee xilli ciyaareedka.
Waxaa jiray muran badan ee ka taagnaa mustaqbalka qaar ka mid ah ciyaartoyda, kuwaasoo la filayay inay u wareegaan kooxo kale, laakiin wada hadalada ayaa ugu dambeyntii ku dhamaaday qaab fashil ah.
Xiddigaha wada hadaladooda uu fashilka ku dhamaaday waxaa hoggaaminaya weeraryahanka kooxda kubadda cagta Paris Saint-Germain ee Edinson Cavani oo aan ku guuleysan inuu u wareego naadiga Atletico Madrid.
Sidoo kale Gareth Bale iyo Ivan Rakitić ayaa sii joogay kooxahooda Real Madrid iyo Barcelona si loo go’aamiyo mustaqbalkooda suuqa xagaaga ee soo aadan, xilli sidoo kale ay Barca ku guuldarreysatay in Valencia ay ku qanciso inay iska fasaxdo Rodrigo Moreno.
Haddaba hal hoose kaga boggo liiska 10-ka heshiis ugu muhiimsanaa ee dhacay suuqa kala iibsiga ee bishii Janaayo xiddig kasta kooxda uu ka tagay tan uu ku biiray iyo heshiiskiisa:
1- Christian Eriksen: (Tottenham – Inter – 20 million euros).
2- Erling Håland: (Salzburg – Borussia Dortmund – 20 million euros).
3- Dejan Kulusevski: (Atlanta – Juventus – 35 million euros).
4- Bruno Fernandes: (Sporting Lisbon – Manchester United – 55 million euros).
5- Paco Alcácer: (Borussia Dortmund – Villarreal – 23 million euros).
6- Reinier Jesus: (Flamingo – Real Madrid – 30 million euros).
7- Yannick Carrasco: (Dalian Yifang – Atlético Madrid – Amaah).
8- Suso: (Milan – Valencia – Qaab amaah ah).
9- Zlatan Ibrahimovic: (Beeca xurta ah – Milan).
10- Emre Can: (Juventus – Borussia Dortmund – 25 million euros).
Gool FM.