(Dortmund) 19 Feb 2020. Kylian Mbappe ayaa ka mid noqday xiddigaha ugu caawinta badan xilli ciyaareedkan tartanka Champions League, kaddib markii uu xalay gool caawin sameeyey.
Mbappe ayaa kula biiray Mahrez iyo Ziyech hoggaanka gool caawinta Champions League xilli ciyaareedkan kaddib markii uu gool ka caawiyey Neymar kulankii xalay kooxdiisa PSG ay booqatay Dortmund.
Weeraryahanka reer France ee Kylian Mbappe ayaa gool caawintiisa Champions League ka bilaabay kulankoodii ay ka hortageen Brugge, waxaana uu ka caawiyey gool Icardi 63’daqiiqo, sidoo kalena kulankaas waxa uu isagu dhaliyey saddexleey.
Sidoo kale waxa uu Mbappe labo gool oo kale ka caawiyey Icardi iyo Neymar kulankii ay la ciyaareen Kooxda reer Turki ee Galatasaray.
Xiddiga ku guuleystay Koobka Adduunka 2018 ayaa hadda gacan ka geystay sagaal gool oo tartanka Champions League ah xilli ciyaareedkan.
Gool FM.