Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Liiska xiddigaha uu sida waalida ah kor ugu kacay qiimahooda suuqa sanadka 2020… (Håland, Sancho iyo kuwo kale oo qeyb ka ah)

$
0
0

(Yurub) 19 Mar 2020. Xiddigo badan oo ah kuwa soo karaya ee kubadda cagta Yurub ayaa waxay ku guuleysteen in ay sarro u kac weyn sameeyaan qiimahooda dhanka suuqa kala iibsiga bilihii la soo dhaafay, laga yaabee in kooda ugu caansan uu yahay Erling Håland.

Erling Håland ayaa lagu tiriyaa inuu yahay xiddiga inta ugu badan uu qiimahiisa dhanka suuqa uu sarre u kacay tan iyo 1-da bishii Luulyo ee 2019 illaa iyo hadda, iyadoo lagu saleynayo qiimeynta shabakada “Transfermarkt” ee looga haray arimaha dhanka suuqa.

Qiimaha suuqa ee Erling Håland ayaa bilihii ugu dambeeyay wuxuu sarre ugu kacay ilaa iyo 75 milyan oo euro, maaddaama qiimahiisa suuqa uu ahaa kaliya 5 milyan oo euro kahor bartamihii 2019, halka hadda qiimahiisa uu kor ugu kacay 80 milyan oo euro.

Marka loo fiiriyo 20-ka ciyaaryahan uu kor u kacay qiimahooda dhanka suuqa dhaawantan, waxaan ka heleynaa saddex xiddig oo kooxda Real Madrid ah oo liiskan ku jira, oo ay ku jiraan labo ciyaaryahan oo qaab amaah ahaan kaga maqan kuwaasoo kala ah Achraf Hakimi iyo Martin Ødegaard, sidoo kale Federico Valverde oo haatan kooxda ku sugan.

Sidoo kale Barcelona ayaa liiskan ku yeelatay hal xiddig kaasoo ah Ansu Fati oo haatan da’adiisu tahay 17 jir, qiimihiisu suuqa wuxuu kor u kacay 40 milyan oo ruro.

Haddaba halka hoose kaga boggo liiska xiddigaha uu kor u kacay qiimahooda dhanka suuqa sanadkan 2020:

1- Erling Håland – (Borussia): Qiimaha hadda waa 80 milyan – wuxuu kor u kacay 75 milyan.

2- Lautaro Martínez – (Inter Milan): Qiimahiisa haatan waa 80 milyan – wuxuu kor u kacay 50 milyan.

3- Federico Valverde – (Real Madrid): Qiimahiisa haatan waa 60 milyan – wuxuu kor u kacay 40 milyan.

4- Alphonso Davies – (Bayern Munich ): Qiimahiisa haatan waa 50 milyan – wuxuu kor u kacay 40 milyan.

5- Ansu Fati – (Barcelona): Qiimahiisa haatan waa 40 milyan – qiimeynta sarre u kaca ayaa ah 40 milyan.

6- Eduardo Camavinga – (Stade Rennais): Qiimahiisa haatan waa 42 milyan – qiimeynta sarre u kaca ayaa ah 38 milyan.

7- Martin Ødegaard – (Real Madrid): Qiimahiisa haatan waa 50 milyan – qiimeynta sarre u kaca ayaa ah 35 milyan.

8- Mason Mount – (Chelsea): Qiimahiisa haatan waa 45 milyan – qiimeynta sarre u kaca ayaa ah 35 milyan.

9- Mason Greenwood – (Man Utd): Qiimahiisa haatan waa 32 milyan – qiimeynta sarre u kaca ayaa ah 32 milyan.

10- Sadio Mane – (Liverpool): Qiimaha hadda jira waa 150 milyan – tirada korortay ayaa ah 30 milyan

11- Jadon Sancho – (Borussia): Qiimaha hadda waa 130 milyan – tirada korortay ayaa ah 30 milyan.

12- Alexander Arnold – (Liverpool): Qiimaha hadda taagan 110 milyan – qaddarka kor u kacay 30 milyan.

13- Serge Gnabry – ( Bayern ):  Qiimaha hadda uu joogo waa 90 milyan – tirada korortay ayaa ah 30 milyan.

14- Achraf Hakimi – (Real Madrid): Qiimahiisa hadda waa 60 milyan – tirada korortay ayaa ah 30 milyan.

15- Tammy Abraham – (Chelsea):  Qiimaha hadda uu joogo waa 50 Milyan – tirade korartay ayaa ah 30 Milyan

16- Bruno Guimarães – (Lyon):  Qiimaha hadda uu joogo waa 35 Milyan – tirade korortay ayaa ah 30 Milyan

17- Gabriel Martinelli – (Arsenal): Qiimaha hadda wuxuu marayaa 28 milyan – tirada ku darsantay ayaa ah 28 milyan.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles