(Yurub) 24 Mar 2020. Majaladda caanka ah ee France Football ayaa shaacisay liiska xiddigaha ugu mushaharka badan Adduunka, waxaana markale fikta sare uga jira Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi.
Kabtanka xulka qaranka Portugal kaasoo hadda ka tirsan Kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa ka hooseeya kabtanka xulka qaranka Argentina iyo kooxda Barcelona ee Lionel Messi, waxaana sidoo kale liiskan safka hore uga soo baxay Neymar Jr.
Markale ayuu kaalinta koowaad kaga soo baxay liiska xiddigaha ugu mushaharka badan Adduunka Kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi, waxaana kaalimaha labaad iyo saddexaad ku soo kala baxay Cristiano Ronaldo iyo Neymar Jr.
Majaladdu waxa ay qormadeeda ku sheegtay in Lionel Messi uu sanadkii qiyaas ahaan jeebka ku shuban doono adduun dhan 131 milyan oo euro, taas oo isugu jira mushaharka iyo gunnooyinka uu ka qaato Barcelona iyo dakhliga uga soo xaroonaya xayaysiinta uu sameeyo.
Cristiano Ronaldo ayaa liiskaan isaguna kaalinta labaad kaga soo baxay, waxaana dhaliyaha kooxda Juventus uu sanadkii isaguna shaqeysan doonaa lacag dhan 118 milyan oo euro, isagoo hadda shan milyan oo euro ka hooseeya lacagtii uu sanadkii hore helay.
Weeraryahanka Kooxda Paris Saint-Germain ee Neymar ayaa kaalinta saddexaad ku jira, waxaanu heli doonaa 95 milyan oo euro oo ah wadar ahaan mushaharka, gunnada iyo xayaysiimaha uu samaynayo.
Gool FM.