(Rome) 24 Mar 2020. Difaacii hore ee qaranka Taliyaaniga, sidoo kalena kula guuleystay Koobkii Adduunka ee 2006, Marco Materazi ayaa ku dhawaaqay in maaliyaddii uu ku ciyaaray finalkii ay Faransiiska garaaceen u hibeyn doono shaqaalaha caafimaadka ee dalkiisa kuwaasoo la dagaallamaya xanuunka coronavirus.
Sanadkii uu xulkiisa kula guuleysanayay koobka dunida, Materazi ayaa dhaliyay goolkii barbardhaca ee xulkiisa kaddib gool ay ku hormareen Faransiisku.
Balse xusuusta ugu weyn ee final-kaas ayaa ah dagaalkii uu la galay halyeyga France ee Zinedine Zidane, taasoo ugu dambeyn noqotay xusuus caan ah.
Kabtankii Les Bleus ee xilligaas ayaa casaan loo taagay, kaddib markii uu hertiyey ama madaxiisa xabadka kaga dhiftay Materazi, waxaana dhacdadaas ay noqotay mid la xasuusto illaa hadda, maadaama qaranka Faransiiska looga qaaday koobka rigooreyaal.
Zidane ayaana kulankaas ku soo gabagabeeyay ciyaaristiisa kubadda cagta.
Gool FM.