Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Mbappe oo hoggaaminaya ciyaartoyda ugu bandhigga wanaagsan lixdii bilood ee ugu dambeeyay… (Neymar oo ka sarreeya Messi)

$
0
0

(Yurub) 04 Abril 2020. Majaladda CIES oo soo baarta xogaha ciyaartoyda iyo kooxaha kubadda cagta ayaa soo saartay diiwaanka xiddigaha ugu bandhigga wanaagsanaa horyaallada waa weyn ee qaaradda Yurub lixdii bilood ee la soo dhaafay, waxaana liiskan fooqa sare kaga jiray Kylian Mbappe, halka uu ku soo xigo xiddiga ay Paris Saint-Germain ka wada tirsan yihiin ee Marco Verratti.

Saddexda boos ee ugu sarreysa diiwaankan waxaa ku jira ciyaartoy ka wada tirsan naadiga PSG, kuwaasoo kala ah Mbappé, Verratti iyo Kimpembe, halka xiddigaha kale ee kooxdaas ka tirsan ee Angel Di Maria iyo Neymar Jr ay iyagana ka mid yihiin 10-ka sare.

Kaalinta 10-aad illaa kaalinta 20-aad waxaa ku jira xiddigo waa weyn, kuwaasoo aanan ka mid noqon 10-ka sare, waxaana ka mid ah Mo Salah (14-aad; Liverpool), Cristiano Ronaldo (15-aad; Juventus) iyo Luis Suárez (16-aad; Barcelona).

Sheekadan waxaa saldhig looga dhigay xogta ay aruurisay OptaPro, waxaana sidoo kale CIES ay ku cabbirtay ciyaartoyda qaab ciyaareedkooda ciyaar kasta, iyadoo si gaar ah diiradda u saareysay goysmooyinka, darbooyinka, fursadaha ay abuuraan ciyaartoyda, ka qayb qaadashada difaaca iyo xogaha kale ee wanaagsan.

Haddaba 10-ka sare ee ay CIES u soo dooratay xiddigaha ugu qaab ciyaareedka wanaagsan lixdii bilood ee ugu dambeeyay ayaad kala ah:-

1- Mbappe (PSG) 91 dhibcood

2- Verratti (PSG) 90.6

3- Kimpembe (PSG) 90.4

4- Joe Gomez (Liverpool) 90.2

5- Ilicic (Atalanta) 90.2

6- Di María (PSG) 89.9

7- Neymar (PSG) 88.9

8- Van Dijk (Liverpool) 88,8

9- Messi (Barcelona) 88.1

10- Kroos (Real Madrid) 87.9

10- Alaba (Bayern) 87.9

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles