(France) 10 Abril 2020. Xiddig hore xulka qaranka Faransiiska iyo kooxda Bayern Munich ayaa sheegay in Zinedine Zidane uusan la hadlin mudo labo sano ah.
Willy Sagnol ayaa dib u xusuustay kulankii fiinalka ahaa ee koobka adduunka 2006-dii, kaasoo uu xulka qaranka France guuldarro kala kulmay dhigiisa Talyaaniga.
Willy Sagnol ayaa ka hadlay dhacdadii caanka aheyd ee dhex martay Zinedine Zidane iyo Marco Materazzi inta kulanka uu socday, taasoo sababtay in Zidane uu qaato kaarka roosaha ama casaanka ah, isla markaana xulka qaranka France uu guuldarro kala kulmay dhigiisa Italy.
Xiddig hore xulka qaranka Faransiiska iyo kooxda Bayern Munich ayaa sheegay in dhacdadan ay aheyd xusuustii ugu xumeyd ee xirfadiisa kubadda cagta, isla markaana uusan dhageysan raaligalintii uu ka bixiyay Zinedine Zidane.
Wargeyska “Le Figaro” ee dalka France ayaa wuxuu shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay Willy Sagnol, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:
“Waxay aheyd xusuustii iigu xumeyd aniga ahaan, markii uu Zidane raali galin ka bixiyay, ma dooneynin inaan maqlo, lama hadlin Zidane muddo labo sano ah.” ayuu yiri Willy Sagnol.
Gool FM.