(London) 10 Abril 2020. Shabakada “Sky Sport” ee dalka England ayaa waxay shaaca ka qaaday in maamulka kooxda Chelsea ay doonayaan inay iska iibiyaan xiddigooda reer France ee N’Golo Kanté, inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga soo socda.
29 jirkan ayaa u dhaqaaqay kooxda ka dhisan Galbeedka magaalada London ee Chelsea xagaagii 2016, wuxuuna kaga soo biiray naadiga Leicester City qiyaastii qiimo dhan 38 milyan euro.
Shabakada “Sky Sport” ayaa cadeysay in maamulka kooxda Chelsea aysan kalsooni ku qabin in N’Golo Kanté uu sii joogayo Blues mudo fog, inkastoo qandaraaskiisa uu dhici doono xagaaga 2023.
Wararka ayaa waxay intaas ku sii darayaan in dhaawacyada badan uu la kulmay N’Golo Kanté xilli ciyaareedkan, ay keentay in maamulka Chelsea ay ku fikiraan inay ka iibiyaan laacibkoodan dhowrka kooxood ee doonaya adeegiisa.
Kooxaha Real Madrid iyo Paris Saint-Germain ayaa ka mid ah kuwa ugu muhiimsan ee doonaya inay la saxiixdaan xiddiga qadka dhexe reer France ee N’Golo Kanté.
Sky Sport ayaa dhinaca kale xaqiijisay in Chelsea aysan iibin doonin N’Golo Kanté haddii aysan ku helin dalab ku haboon oo ka tarjumaya awoodiisa ciyaareed ee qadka dhexe.
Gool FM.