(Barcelona) 14 Sebt 2016 Sida uu baahiyay mid kamid ah wakiilada laacibka reer Brazil ee Neymar, xiddiga ayaa ku sigtay inuu u dhaqaaqo kooxda PSG ee dalka faransiiska suuqii xaggaaga.
Wakiilka Neymar ee Wagner Ribeiro ayaa daaha ka qaaday in milkiilaha kooxda PSG Nasser Al-Khelaifi uu laba mar la kulmay Neymar xiligii uu ku guda jiray fasixii xaggaaga.
Kulanka hore ayaa ka dhacay jaziirada Ibiza ee dhacda badda Mediterranean-ka bilowgii bishii June, halka kulanka kale uu ka dhacay dhamaadkii bishaas dalka Brazil.
“Waxay ii ahayd inaan keeno Nasser magaalada Sao Paulo, waxaan u sheegay Neymar in dalabkaan uu yahay mid ka baxsan aduunka oo uu ku noqon lahaa laacibka ugu mushaarka badan aduunka isla markaana uusan jirin laacib ka daqli badan isaga” ayuu u sheegay wakiilkiisa ESPN Brasil.
“PSG waxay diyaar u ahaayeen inay bixiyaan 190 milyan oo euro oo ah qiimaha lagu burburin karay heshiiskiisa, kadibna wuxuu heli lahaa mushaar dhan 40 milyan oo euro oo laga jaray canshuurta, waxaan wada hadlaynay laba saacadood, Neymar-na wuxuu ahaa mid xamaasadaysan”.
“Nasser wuxuu u cadeeyay in PSG aysan oolin dhibaato canshuureed isla markaana uu lambar “1” ka noqon doono kooxda taas oo uusan ka ahayn Barcelona”.
Wakiilka ayaa intaa ku daray in Nasser uu u soo bandhigay Neymar dayuurad gaar ah oo uu ku aado dalkiisa Brazil iyo saami laga siinayo Hotelo isla markaana isaga loogu magac darayo.
Balse Neymar aabihiis ayaa diiday in laacibku uu u dhaqaaqo PSG, wuxuuna go’aansaday inuu iska sii joogo kooxdiisa Barcelona isaga oo qalinka ugu duugay heshiis 5 sano ah bilowgii July.
Gool FM