(Barcelona) 17 Abril 2020. Xiddigii hore kooxda Barcelona ee reer Argantina Javier Mascherano ayaa muujiyay sida uu u rajeynayo in Neymar Jr uu markale ku soo laabto garoonka Camp Nou, si ay Blaugrana u soo ceshato weerarkeedii dabka ahaa ee ka koobnaa Messi, Suarez iyo Neymar.
Wargeyska “Marca” ee dalka Spain ayaa wuxuu shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay Xiddigii hore kooxda Barcelona ee reer Argantina Javier Mascherano, wuxuuna yiri:
“Waxaan rajeynayaa in Neymar Jr uu ku laaban doono Barcelona, si uu markale ula ciyaaro Lionel Messi iyo Luis Suarez, waxay cajiib u noqon doontaa kooxda”.
“Kuwan waa saddex xiddig aad u fiican, waxayna noqon doontaa arrin wanaagsan inaan markale ka daawano TV-ga” ayuu yiri Javier Mascherano.
Si kastaba ha noqotee, magaca Neymar Jr oo uu wehliyo Laurtaro Martinez ayaa safka hore kaga jira diiwaanka xiddigaha ay Barcelona ka dooneyso suuqa xagaaga ee soo socda, iyadoo uu laacibka reer Brazil uu jecleysanayo ku soo laabashada Camp Nou saddex sano kaddib markii uu ka dhaqaaqay.
Gool FM.