(Paris) 20 Abril 2020. Kooxda kubadda cagta ee Paris Saint-Germain ayaa si qoto dheer ula socota rabitaanka Neymar Jr ee ku laabashada kooxda Barcelona, sidaas darteed, waxay kooxda PSG dooneysaa inay ka hor istaagto ku biirista kooxdiisii hore.
Agaasimaha kooxda reer France ee Leonardo ayaa qorsheynaya in laacibka reer Brazil uu usoo bandhigo heshiis kordhin gaareysa illaa 2025 oo uu sanad ciyaareedkii ku qaadan doono 38 milyan oo dollar.
Sida uu xog hoose ku helay wariyaha ka faalooda arrimaha suuqa kala iibsiga ee Nicola Schira, Leonardo ayaa Barca kala dagaallamaya dhanka dhaqaalaha, waxaana mushaharka uu usoo bandhigi doono Neymar kala gol leeyahay inuusan ku qancin mushaharka ay kooxdiisii hore usoo bandhigi karto.
Haddii uu laacibka reer Brazil saxiixo heshiiskan cusub, waxaa meesha ka bixi doonta guud ahaan suuro-galnimada ay FIFA ugu qasbi karto inuu kooxda Parc des Pricncess ka dhaqaaqo, maadaama uu haddii saddex sano ka badan heshiis cusub saxiixi waayo ay FIFA ku qasbi lahayd inuu isaga tago kooxda PSG.
Si kastaba ha ahaatee, kooxda Barcelona ayaa awooddeeda xagaagan isugu geyn doonta dib usoo celinta Neymar Jr, balse xaaladaha dhaqaale ee hadda taagan ayaa ka hor istaagi kara, balse haddii ay kooxda reer Spain dhiggeeda u gudbiso dalab ay qayb ka yihiin ciyaartoy heshiiska lagu daro.
Gool FM.