(Manchester) 27 Abril 2020. Kooxda Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay u dhaqaaqeyso soo xero-galinta ciyaaryahanka khadka dhexe ee kooxda Rennes, Eduardo Camavinga.
Inkastoo kaliya uu 17-sano jirsaday bishii November ee la soo dhaafay, Camavinga wuxuu fure u ahaa Naadigiisa Faransiiska intii lagu jiray xilli ciyaareedkan 2019-20, isagoo dhaliyey hal gool, isla markaana caawiye ka noqday labo gool oo kale 36 kulan oo tartamada oo dhan ah.
Real Madrid ayaa la rumeysan yahay inay ka go’an tahay inay la soo saxiixato xiddiga heerka caalami ee xulka France xiddigaha da’doodu ka hooseyso 21-sano jirrada ka hor xilli ciyaareedka 2020-21.
Si kastaba ha noqotee, kooxda Rennes ayaa la sheegay inuu sii heysan karo xiddigan khadka dhexe ilaa xagaaga 2021-ka, haddii ay ku guuleystaan inay xaqiijistaan booskooda Champions League xilli ciyaareedka soo socda.
Inkastoo kooxda Zinedine Zidane ee Real Madrid loo arko kooxda ugu cadcad tartanka loogu jiro Camavinga, haddaba RMC Sport ayaa sheeganaysa in Man United ay sidoo kale si dhow isha ugu heyso da’yarka cajiibka ah.
Red Devils ayaa la filayaa inay firfircoonaato xagaagan, inkastoo uu dillaacay coronavirus sidoo kale waxaa dhowaan la la xiriirinayay Edinson Cavani, kaasoo qandaraaskiisa Kooxda Paris Saint-Germain uu dhacayo dhammaadka bisha June.
Gool FM.