(Barcelona) 02 Maajo 2020. Tababare Quique Setien ayaa meesha ka saaray gabi ahaanba in kooxda kubadda cagta Barcelona ay dib u soo ceshanayso xagaagan ciyaaryahankoodii hore ee Neymar Jr.
Macallinka Barcelona ee Quique Setien ayaa soo jeedinayey in kooxdiisa aysan u badnayn inay awoodi doonto inay dib ula soo saxiixato Weeraryahanka Naadiga Paris Saint-Germain ee Neymar inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xiddigaha ee xagaagan.
28-sano jirkaan ayaa si xoog leh loola xiriirinayey inuu dib ugu laaban doono garoonka Camp Nou, maadaama dhaqaalaha ku lugta leh ay ku adkaan doonto kooxda reer Catalan inay ku dhammaystirto heshiiska laacibkan suuqa xagaaga.
Setien ayaa si maldahan u sheegay in loo baahan yahay lacag dhan 222 milyan oo euro oo u dhiganta 195 milyan oo gni si uu ula soo saxiixdo xiddiga reer Brazil, kaasoo dhaliyay 69 gool 80 kulan oo uu u saftay kooxda haysata horyaalka Faransiiska tan iyo markii uu sanadkii 2017-kii uga soo biiray naadiga Barca.
“222 milyan oo euro oo dhiganta 195 milyan oo gini ayaa loogu talagalay isaga? Maya uma maleyn maayo inuu jiro qof qarash badan ku bixin kara,” Setien ayaa sidaas u sheegay Jariiradda Gazzetta dello Sport.
Neymar, kaasoo sidoo kale la la xiriirinayey Kooxda Real Madrid ayaa heshiiskiisa kooxda Paris waxa uu ku eg yahay illaa dhammaadka xilli ciyaareedka 2021-22.
Gool FM.