(France) 05 Maaajo 2020. Ciyaaryahanka dhallinta yar ee Eduardo Camavinga ayaa ka mid ah xiddigaha ay sida daran u dooneyso kooxda Real Madrid.
17-jirkan ayaa u muuqda mid sanadaha soo aaddan wacdaro ka dhigi doona qaaradda Yurub iyo kubadda cagta caalamka, iyadoo Los Blancos ay dooneyso ka faa’ideysiga hibada ciyaaryahankan.
Si kastaba ha ahaatee, sheekadan waxaan idin kula wadaageynaa toddobo arrin oo laga yaabo inaadan ka ogeyn Camavinga.
1- Ka hor inta uusan xoogga saarin kubadda cagta, Camavinga waxa uu ciyaari jiray lagdanka, gaar ahaan ciyaarta loo yaqaano Judo.
2- Waxa uu ku dhashay Miconje oo ka tirsan Angola.
3- Camavinga waa Faransiis, si la mid ah Angolan, waxaana uu heli karaa dhalashada jamhuuriyadda dimuqraadiga ee Congo.
4-Sanadkii 2013, guriga qoyskooda ayaa gubtay, waxaana xilligaas uu ahaa 11 jir.
5- Waxa ay wakiil wadaag yihiin ciyaaryahanka Barcelona ee Ousmane Dembele iyo xiddiga Tottenham ee Moussa Sissoko.
6- Waxa uu noqday ciyaaryahankii ugu da’da yaraa Rennes isagoo jira 16 sano, afar bilood iyo 27 maalmood.
7- Hal sano ka hor waxaa lagu qiimeeyay afar milyan oo euro, balse hadda waxaa lagu qiimeeyaa qiyaastii 40 milyan oo euro.
Gool FM.