(Spain) 06 Maaajo 2020. Xiddiga reer Spain ee Cesc Fabregas ayaa ka jawaabay hadalo uu sheegay Thibaut Courtois ee la xiriira hanashada horyaalka La Liga, haddii ay dhacdo in la dhameystiri waayo.
Xiddigii hore kooxda Barcelona ee Cesc Fabregas ayaa wuxuu sidoo kale ka hadlay arrimo kale, oo ugu horreeyo xiisaha Real Madrid ay ka muujineyso xiddigaha Kylian Mbappé iyo Eduardo Camavinga.
Cesc Fabregas ayaa wareysi uu ku bixiyay “TVE” wuxuu ku sheegay:
“Kylian Mbappé waa wiil aad u gaajoonaya, wuxuuna doonayaa inuu noqdo kan ugu fiica, qaab ciyaareedkiisa wuxuu ku fiicnaan doonaa koox sida Real Madrid ah”.
“Marka laga hadlayo Eduardo Camavinga wuxuu soo maray duruufo adag ee aad u xoogan, uma muuqdo inuu da’ayar yahay”.
Intaas kaddib Cesc Fabregas ayaa u jawaab celiyay Thibaut Courtois kaddib markii uu sheegay inay tahay cadaalad darro haddii Barcelona loo caleemo saaro hanashada horyaalka Spain iyadoo aan la dhameystirin/
Cesc Fabregas oo arrintan kahadlayay ayaa wuxuu yiri:
“Qof walba wuxuu difaacayaa danahiisa.”
“Magaalada Monaco, horyaalka Faransiiska wuxuu ku dhamaaday iyadoo aan la dhameystirin, waxaanan luminey booskii aan ugu soo bixi laheyn tartamada Yurub”.
“Haddii ay dhacdo in la joojiyo horyaalka Spain, Barcelona waa in loo caleemo saaraa hanashada horyaalnimada xitaa haddii uu farqiga u dhexeeya yahay labo dhibcood oo keliya” ayuu yiri Cesc Fabregas.
Gool FM.