(Madrid) 13 Maajo 2020. Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Atletico Madrid Thomas Partey ayaa lagu soo warramayaa inuu door-bidayo ku biiritaanka kooxda Arsenal marka loo eego Paris Saint-Germain.
26-sano jirkaan ayaa si xooggan loola xiriirinayay inuu udhaqaaqi doono garoonka Emirates kaddib olole cajiib ah oo uu la qaaday kooxda uu hoggaamiyo Tababare Diego Simeone.
Xiddiga heerka caalami ee dalka Ghana ayaa 35 kulan u saftay tartammada oo dhan inta lagu jiray xilli ciyaareedkan 2019-20, waxaana Partey haatan qandaraaskiisa Atletico lagu burburin karaa lacag dhan 43.5 milyan oo gini.
Sida laga soo xigtay GHANAsoccernet.com, PSG waxay qorsheyneysaa inay u isticmaasho awooddeeda dhaqaale si ay isugu dayaan oo ay u helaan heshiiska ciyaaryahanka khadka dhexe, laakiin Partey wuxuu indhaha ku hayaa inuu u dhaqaaqo Arsenal.
Warbixinta ayaa sheeganeysa in xiddiga reer Ghana uu ku riyoonayo inuu ku daydo xiddigii hore ee khadka dhexe ee Chelsea, Michael Essien, kaasoo mustaqbal wanaagsan ku soo qaatay Blues intii u dhaxeysay 2005 iyo 2014.
Si kastaba ha noqotee, waa la arki doonaa sida saameynta dhaqaale ee faafaha coronavirus u saameyn doonto suuqa kala iibsiga ee soo socda, inkastoo qeyb ka mid ah qiimaha Partey ay u badan tahay inuu ka dhigto bartilmaameed macquul ah oo dhinacyo badan ah.
Qandaraaska xiddigan uu ku joogo naadiga ku ciyaarta garoonka Wanda Metropolitano waxa uu dhacayaa sanadka 2023-ka.
Gool FM.