(Paris) 24 Sebt 2016 Kooxda Toulouse ayaa xalay guul daro xanuun badan dhabarka u saarisay dhigeeda PSG oo marti u ahayd, taas oo walwal ku abuurtay tababare Unai Emery.
Toulouse ayaa 2-0 ku garaacday kooxda PSG, Thiago Silva ayaana sheegay in kooxdiisu ay u qalantay in laga adkaado isaga oo intaa ku daray in kooxda kale ay ka xiratay boos walba oo ay qatar uga abuuri kareen.
Waa guul daradii labaad ee soo gaarta kooxda PSG tan iyo bilowgii horyaalka faransiiska ee xiliciyaareed kan taas oo kooxdu aysan u baran xiliciyaareedyadii u danbeeyay.
“Dhankeena nooma ahayn kulan fiican, nooma suurogalin inaan boosas ka helno garoonka, waa ay u qalmeen guusha ay naga gaareen” ayuu yiri Thiago Silva.
“Uma baran inaan la kulano laba guul daro horyaalka, laakiin tani waa kubadda cagta, waa inaan ahaanaa kuwo dagan”.
Thiago Silva ayaa walwal ka muujiyay in kooxdiisu ay waysay qaab ciyaraeedkii looga bartay balse wuxuu niyada ku dhistay in kooxdu ay dib ugu soo laaban doonto heerarkii looga bartay.
Gool FM