(Paraguay) 25 Agoosto 2020. Ronaldinho ayaa laga sii daayey xabsi guri uu ku ahaa dalka Paraguay, halkaasoo lagu xiray bishii Maarso.
Ciyaaryahankii hore ee kooxda Barcelona iyo xulka qaranka Brazil ee Ronaldinho ayaa laga sii daayey xabsi guri uu ku ahaa dalka Paraguay in ku dhow Lix bilood.
Paraguay iyo walaalkiisa Roberto Assis ayaa habsiga la dhigay bishii Maarso kaddib markii u dalkaasi Paraguay ku galeen baasabooro been abuur ah, labadan shaqsi ayaa markaa kaddib loo kaxeeyey xabsi guri Hoteel ku yaala Paraguay bishii April kaddib markii ay 32 maalmood xabsi ku jireen.
Ronaldinho oo qeyb ka ahaa xulkii Brazil ee ku guuleystay Koobkii Adduunka ee 2002 iyo walaakiis ayaa laga sii daayey xabsi ku gurigaas ay ku jireen, waxaana lagu xukumay inuu bixiyo 90,000 oo dollar, halka walaalkiisa lagu ganaaxay inuu bixiyo 110,000 oo dollar, waxaana labadaba lagu soo rogay inay dalka ka safraan.
Weeraryahankii hore ee Kooxaha Barcelona, Paris Saint-Germain iyo AC Milan ee Ronaldinho, kaasoo 97 kulan u saftay xulka qaranka Brazil intii u dhexeysay sanadihii 1999 iyo 2013, ayaa dhaliyey 33 gool, waxaana uu ku guuleystay abaal-marinta xiddiga ugu fiican Adduunka ee Ballon d’Or sanadkii 2005.
Gool FM.