(Yurub) 30 Agoosto 2020. Dhowr warbaahin ayaa xaqiijisay in Lionel Messi uu codsaday inuu ka tago Barcelona xagaagan, waxaana lala xiriirinayay inuu ku biirayo kooxo badan ee Yurub xagaagan, marka loo eego rabitaankiisa ah inuu ka tago naadiga Barcelona inta lagu gudi jiro suuqan xagaaga.
Halyeeyga kooxda Paris Saint-Germain ee Fabrice Pancrate ayaa aaminsan in kooxdiisii hore ay la soo saxiixan doonto Lionel Messi, Cristiano Ronaldo, iyo Pep Guardiola.
Wargeyska “Le Parisien” ee dalka Faransiiska ayaa shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay halyeeyga kooxda Paris Saint-Germain ee Fabrice Pancrate, wuxuuna yiri:
“Waxaan kuu sheegi doonaa waxa aan u maleynayo, waxa jira waxyaabo badan oo iga dhigaya inaan sheego in Messi uu aadayo Paris, Ronaldo wuxuu kula soo biiri doonaa sanadka 2021, sidoo kale Pep Guardiola”.
“Waxaan u maleynayaa in Guardiola iyo Messi ay horay u wada hadleen, Pep waa lama huraan inuu u sheegay (waxaan kaa doonayaa Manchester City, laakiin aad Paris oo ha walwalin, waxaan halkaas kugula soo biiri doonaa sanadka soo socda)”.
“Waa macquul inay sidaas dhacdo, waxay noqon doontaa kooxdii ugu horeysay adduunka ee isku keenta afar ajnabi, Ronaldo, Messi, Neymar, Kylian Mbappé iyo tababare waalan”.
“In kasta oo dadku dhahayaan Messi waa 33 jir, iyo in Cristiano uu 36 jirsan doono, haddana xiddigaha la mid ka ah uma baahna inay ordain” aayuu hadalkiisa sii raaciyay halyeeyga kooxda Paris Saint-Germain ee Fabrice Pancrate.
Gool FM.