(Yurub) 25 Okt 2020. Kulamo ka tirsan horyaallada waa weyn qaaradda Yurub ayaa maanta iyo caawa la ciyaari doonaa, waxaana ka mid ah Premier League, La Liga, Serie A, Ligue 1 iyo Bundesliga dalka Jarmalka.
Kooxaha Arsenal, Everton, Leicester, Juventus, Napoli, Villarreal, Wolfsburg, Monaco ayaa ka mid ah kooxaha waa weyn ee maanta illaa caawa ciyaari doona horyaalladooda.
Horyaalka Premier League Arsenal iyo Leicester City ayaa isku dheggan caawa, halka sidoo kale ay galabta ballansan yihiin Everton oo booqanaysa Southampton, waxaana kulanka kale uu yahay Wolves oo soo dhoweynaysa Newcastle.
Dhinaca horyaalka Serie A, kooxaha Juventus ayaa soo dhoweynaysa Hellas Verona, halka Napoli ay booqanayso Benevento, kooxda Fiorentina ayaa dhankeeda qaabilaysa Udinese.
La Liga waxaa Kooxaha ciyaaraha ugu madax fiiqan Real Valladolid , Villarreal iyo Real Sociedad, halka horyaalka Bundesliga Jarmalka ay kooxaha Wolfsburg iyo Werder Bremen ay kooxo kale marti gelinayaan.
Haddaba Halkaan hoose ka eeg guud ahaan kulammada maanta iyo caawa laga ciyaari doono guud ahaan horyaallada waa weyn ee qaaradda Yurub & Saacadaha ay soo geli doonaan:-
ENGLAND – PREMIER LEAGUE
05:00 Galabnimo Southampton vs Everton
07:30 Fiidnimo Wolverhampton Wanderers vs Newcastle United
10:15 Habeennimo Arsenal vs Leicester City
SPAIN – LALIGA SANTANDER
04:00 Galabnimo Real Valladolid vs Deportivo Alaves
06:00 Maqribnimo Cadiz vs Villarreal
08:30 Habeennimo Getafe vs Granada
11:00 Habeennimo Real Sociedad vs SD Huesca
GERMANY – BUNDESLIGA
05:30 Galabnimo Wolfsburg vs Arminia Bielefeld
08:00 Habeennimo Werder Bremen vs Hoffenheim
ITALY – SERIE A
02:30 Duhurnimo Cagliari vs Crotone
05:00 Galabnimo Benevento vs SSC Napoli
05:00 Galabnimo Parma Calcio 1913 vs Spezia
08:00 Habeennimo Fiorentina vs Udinese
10:45 Habeennimo Juventus vs Hellas Verona
FRANCE – LIGUE 1
05:00 Galabnimo Bordeaux vs Nimes
05:00 Galabnimo Brest vs Strasbourg
05:00 Galabnimo Metz vs Saint-Etienne
05:00 Galabnimo Montpellier vs Reims
07:00 Fiidnimo Nice vs Lille
11:00 Habeennimo Lyon vs Monaco
FG: Dhammaan saacadaha aan kor ku soo sheegnay waa xilliga geeska Afrika ama saacadda Soomaaliya.
Gool FM.