(Yurub) 10 Nof 2020. Tababaraha xulka qaranka France ee Didier Deschamps ayaa sheegay in laacibkiisa Paul Pogba uusan ku faraxsanayn joogitaanka Manchester United sababo la xiriira inuusan inta badan ku tiirsaneyn adeegiisa tababaraha kooxda ee Ole Gunnar Solskjær.
Wargeyska “Mirror” ee dalka England ayaa shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay Tababaraha xulka qaranka France ee Didier Deschamps, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:
“Pogba wuxuu ku jiraa xaalad kooxda Manchester United ah uusan ku qanci karin, gaar ahaan waqtigiisa ciyaareed iyo booskiisa, kuma jiro waqtigiisii ugu fiicnaa”.
“Waxaa soo gaaray dhaawacyo isdaba joog ah, sidoo kale waxaa ku dhacay Korona Fayras, sidaas darteed ma dhihi kartid wuu faraxsan yahay”.
“Waan lahadli doonaa, wuxuuna ii sheegi doonaa waxyaabo qaas ah oo ku saabsan sida uu dareemayo, sidoo kale waxaan usheegi doonaa waxa aan arko iyo sida aan dareemayo”.
Si kastaba ha noqotee, xulka qaranka France ayaa wuxuu ciyaari doonaa saddex kulan maalmaha soo socda, Arbacada ayuu ciyaari doonaa kulan saaxiibtinimo, kahor inta uusan Sabtida la ciyaarin Portugal kulan ka tirsan tartanka UEFA Nations League, iyo Sweden oo ay sidoo kale la ciyaari doonaan Talaadada.
Gool FM.