(Milano) 14 Nof 2020. Tababaraha xulka qaranka France ee Didier Deschamps ayaa cadeeyay waxa sababay dhibaatada ciyaaryahanka khadka dhexe kooxda Manchester United ee Paul Pogba.
Xiddiga reer France iyo kooxda Manchester United ayaa hoos u dhac ku yimid qaab ciyaareedkiisa xilli ciyaareedkii hore, sababo la xiriira dhaawacyo joogta ah ee soo gaaray.
Wargeyska “Goal” ayaa shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay Tababaraha xulka qaranka France ee Didier Deschamps, wuxuuna yiri:
“Paul kuma jiro waqtigiisii ugu fiicnaa, Waan ogaa ciyaarta kahor inay tahay inay isaga siiso xoogaa macno ah, Wuxuu ogaa inuu ciyaari doono saacad kaliya”.
“Waa iska cadahay inuusan ku jirin mid ka mid ah waqtiyadiisii ugu fiicnaa, sida ciyaaryahan kasta ee kooxda Man United ah oo waqti fiican aanan ku heysan United-ka”.
“Sidoo kale maskaxiyan waa ay saameeyeen, sifiican ayaan u garanayaa isaga waana dhici kartaa meelaha qaar”.
“Waqtiyada sidan oo kale ah way dhici karaan, wuxuu aqoon u leeyahay heerarka ugu sarreeya, hanka iyo ruuxda ayaa u saamaxaysa inuu ka jawaabo dadka dhaleeceeya”.
“Intaa kaddib waxaan heystaa go’aano aan ku gaaro dhamaan waxyaabaha marka la barbardhigo ciyaartoyda kale”.
Gool FM.