(Yurub) 19 Nof 2020. Wejiga hore ee tartanka UEFA Nations League ayaa la soo gabagabeeyey iyadoo haatan la xaqiijiyey afarta xul isugu soo hartay kama dambeysta tartankan.
Xulalka France, Spain, Italy iyo Belgium ayaa ku dhammaystay boosaska ugu sarreeya ee guruubyadii ay ku jireen, waxaana ay sidaas ku gaareen heerka ugu dambeeya ee afar dhammaadka tartankan.
Talyaaniga ayaa booskooda xaqiijiyey xalay kaddib markii ay 2-0 direen dhiggooda Bosnia, waxaana ay sidaas kula biireen afar dhammaadka Spain iyo France oo kol hore gaaray semi-finalka tartankan, halka Belgium uu tirada dhammaystiray kaddib guushii 4-2 ee ay ka qaateen Denmark.
Afarta xul ee isku soo haray ayaa semi-finalka tartankan ku ciyaari doona dalka Talyaaniga 6-da iyo 7-da bisha Oktoobar ee sanadka 2021-ka ka hor inta aan Final-ka la ciyaarin 10 Oktoobar ee 2021.
Yeelkeede, isku aadka afar dhammaadka tartankan ayaa la sameyn doonaa 03 bisha soo aaddan ee December 2020.
Maadaama ay tartanka ka hareen xulkii difaacanayey sanadkan ee Portugal, UEFA Nations League waxa uu yeelan doonaan guuleyste cusub sanadkiisii labaad.
Gool FM.