Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Horudhac: Manchester United vs Paris Saint-Germain… (Red Devils oo hal dhibic raadinaysa & PSG oo aar-gudasho u baahan)

$
0
0

(Manchester) 02 Dis 2020. Manchester United ayaa kaliya hal dhibic u jirta inay xaqiijiso booskeeda wareegga 16-ka Champions League iyadoo ay u harsan yihiin labo kulan.

Kooxda Ole ayaa caawa garoonkeeda Old Trafford ku soo dhoweynaysa kooxda sanadkii hore Koobka laga qaaday ee Paris Saint-Germain.

Red Devils ayaa fadhisa kaalinta koowaad ee Group H, waxayna ogtahay in haddii ay fudud uga fogaado guuldarro ay u soo bixi doonto wareegga 16-ka Koobka Horyaallada Yurub, inkastoo ay wajihi doonaan PSG oo aargudasho u baahan maadaama lugtii hore lagu soo garaacay caasimadda Faransiiska.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: UEFA – Champions League

Taariikhda: Arbaco 02 Dis  2020

Saacadda ay bilaabaneyso dheesha: 11:00 Habeennimo xilliga geeska Afrika.

Garoonka: Old Trafford

Garsooraha: Daniele Orsato (Italy)

Wararka Kooxaha:-

Macallin Man United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa u muuqda inuu xaqiijiyay inuu heysto koox dhammeystiran oo uu soo xusho Arbacada caawa.

David de Gea ayaa tababarka ka soo muuqday kaddib markii uu dhaawac jilibka ah garoonka kaga baxay kulankii ay guusha ka gaareen Southampton, waxaana uu ku soo bilaaban karaa ciyaarta caawa.

Waxay noqon doontaa wax la la yaabo haddii la arko Luke Shaw oo ku soo laabtay safka Man United, inkastoo macallin Solskjaer uusan kaga hadlin shirkiisa jaraa’id.

Anthony Martial ayaa xanuun ku seegay kulankii horraantii todobaadkan ay wajaheen Southampton, laakiin waxaa laga yaabaa inuu boos ka helo kursiga keydka kaddib markii uu bandhig cajiib ah sameeyey Edinson Cavani kulankii Axaddii oo uu saddex gool ku lug yeeshay.

Cavani ayaana laga yaabaa inuu caawa oo Arbaco ah wajaho kooxdiisii hore ee PSG.

Waxay sidoo kale u muuqataa Scott McTominay iyo Paul Pogba inay diyaar u yihiin xulashada, laakiin kaliya kan hore ee Scott ayaa la filayaa inuu ku soo bilowdo haddiiba uu taam buuxa yahay.

Tababare Thomas Tuchel ayaa soo jeediyay in labada xiddig ee reer Brazil ee Marquinhos iyo Neymar ay soo laaban doonaan si ay u wajahaan Man United Arbacada caawa, laakiin Layvin Kurzawa ayay u badan tahay in uusan soo laaban doonin.

Presnel Kimpembe iyo Idrissa Gueye ayaa ku soo laabtay kooxda PSG kaddib markii ay ganaax ku seegeen kulankoodii ugu dambeeyay.

Ander Herrera ayaa si aad ah u doonaya inuu ku soo bilowdo garoonka Old Trafford markii ugu horreysay tan iyo markii uu ka tagay Man United kuna biiray PSG suuqii xagaaga.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee muhiimka ah Marco Verratti ayaa helay saacad uu isku diyaariyo horraantii isbuuca, laakiin weli wuxuu ka shaqeynayaa inuu ka soo laabto dhaawac.

Xaqiiqooyinka ciyaarta:-

>- Manchester United ayaa u baahan hal dhibic si ay isaga xaadiriso wareegga 16-ka Champions League, haddii ay caawa barbaro la galaan PSG waa ay gudbi doonaan.

>- PSG ayaa doonaysa inay ka aargudato kooxda reer England oo ku soo garaacday garoonkeeda lugtii hore, waxaana ay doonayaan inay caawa ku garaacaan garoonka Old Trafford si ay sare ugu qaadaan rajadooda u soo bixitaanka 16-ka Champions League.

>- Paul Pogba ayaa awoodi kara inuu ciyaaro kulankiisii 50-aad ee Champions League, kaddib markii uu ka soo laabtay dhaawac canqowga ah.

>- PSG ayaa kaliya hal guuldarro la kulantay todobadeedii kulan ee ugu dabeeyey oo ay bannaanka ku soo ciyaareen heerka guruubyada UEFA Champions League, waxaana ay haystaan 4 guul iyo 2 barbaro.

>- Guuldarradii 0-2 ee Manchester United ka soo gaartay PSG bishii Febraayo ee sanadkii 2019-kii waa guuldarrada kaliya ee ay la kulantay 15 kulan oo ay garoonkeeda ku soo dhoweysay kooxaha ka socda Faransiiska tartammada Yurub, waxaana ay ka haystaa kulammada kale 10 guul iyo 4 barbaro.

Shaxda Macquulka ah ee labada kooxood:-

Gool FM.

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles