(Manchester) 03 Dis 2021. Kooxda Paris Saint-Germain ayaa guul ay u qalantay kaga soo gaartay Manchester United garoonka Old Trafford, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 1-3, ciyaar qeyb ka aheyd kulamada Shanaad ee wareega group-yada.
Qeybta hore ee kulanka adag ee Manchester United iyo Paris Saint-Germain ayaa lagu kala nastay barbardhac 1-1 ay isku dhaafi waayee labada kooxood.
Daqiiqadii 6-aad kooxda Paris Saint-Germain ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta kaddib markii uu 0-1 ka dhigay xiddiga reer Brazil ee Neymar Jr, waxaana caawinta goolkan lahaa saaxiibkiis Kylian Mbappe.
Laakiin daqiiqadii 32-aad Manchester United ayaa ciyaarta ka dhigtay barbardhac 1-1 ah, waxaana goolka u dhaliyay laacibkeeda reer England ee Marcus Rashford, xilli uu goolkan ka caawiyay Aaron Wan-Bissaka.
Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.
Daqiiqadii 69-aad kooxda Paris Saint-Germain ayaa hoggaanka u qabatay dheesha, kaddib markii uu 1-2 ka dhigay Marquinhos, caawinta goolkan waxaa lahaa Abdou Diallo.
90-ka daqiiqo marka ay ciyaarta aheyd Paris Saint-Germain ayaa sii dheereysatay hoggaaminta ciyaarta waxaana 1-3 ka dhigay Neymar Jr, xilli uu goolkan ka caawiyay Rafinha
Ugu dameyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo idlaatay 1-3 oo ay Paris Saint-Germain kaga soo adkaatay kooxda Manchester United oo ay ku booqatay garoonka Old Trafford.
Kooxaha Manchester United, PSG iyo RB Leipzig ayaa wada leh min 9 dhibcood, balse United-ka ayaa wali hoggaamineysa GROUP-ka H, waxaana labada kooxood ee u gudbi doonta wareega 16-ka la go’aamin doonaa kulanka ugu dambeeya ee soo aadan.
Haddaba halkaan hoose ka eeg guud ahaan natiijooyinka kulammadii caawa laga ciyaaray Koobka Horyaallada Yurub ee Champions League:-
GROUP E
FC Krasnodar 1 – 0 Rennes
Sevilla 0 – 4 Chelsea
GROUP F
Borussia Dortmund 1 – 1 Lazio
Club Brugge 3 – 0 Zenit St. Petersburg
GROUP G
Ferencvaros 0 – 3 Barcelona
Juventus 3 – 0 Dynamo Kyiv
GROUP H
Istanbul Basaksehir 3 – 4 RasenBallsport Leipzig
Manchester United 1 – 3 Paris Saint-Germain.
SAWIRRO:
Gool FM.