Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

CAJIIB: Shanta horyaal ee ugu waa weyn Qaaradda Yurub oo ay kala hoggaaminayaan shan kooxood oo aan looga baran!… (Maxaa helay kooxihii waa weynaa?)

$
0
0

(Yurub) 14 Dis 2020. Shanta horyaal ee ugu waa weyn qaaradda Yurub sida La Ligaha Spain, Bundesliga Jarmalka, Serie A-da Talyaaniga, Ligue 1-ka Faransiiska iyo Premier League-ga England ayaa fasal ciyaareedkan ah mid cajiib ah.

Shan kooxood oo aan looga baran inay muddooyinkaan hoggaanka u qabtaan horyaalladooda ayaa kala hoggaaminaya haatan shanta horyaal ee ugu waa qeyn qaaradda Yurub.

Horyaalka La Ligaha Spain waxaa cajiib ah inay haatan hoggaaminayso Real Sociedad, iyadoo ay xaadir yihiin Real Madrid, Barcelona iyo Atletico Madrid.

Bundesliga Jarmalka waxaa hoggaanka u haysa kooxda kubadda cagta Bayer Leverkusen, iyadoo ka sarreysa Bayern Munich iyo Borussia Dortmund oo hoggaanka horyaalka Jarmalka xilliyadaan oo kale hayn jiray.

Horyaalka Ligue 1 ee dalka Faransiiska waxaa horkacaysa Lille kaddib guuldarradii ay PSG xalay kala kulantay Lyon oo haatanba hoggaanka la haysta kooxda Lille.

Horyaalka Premier League-ga ee dalka England waxaa horkacaysa kooxda uu hoggaamiyo Macallin Jose Mourinho ee Tottenham inkastoo ay Liverpool dhibcaha wadaagaan.

Horyaalka Serie A ee dalka Talyaaniga waxaa hoggaaminaysa kooxda AC Milan oo guuldarro la’aan ah inkastoo ay barbaro galeen xalay haddana Milan muddooyinkaan loogama baran inay hoggaanka haysta, waxaana inta badan ku guuleysanaysa Juventus.

Si kastaba ha noqotee, waxaa la is weydiinayaa waxa xilli ciyaareedkan helay kooxihii waa weynaa ee awaddooda isbidaayey, kuwaasoo hoggaamin jiray hroyaallada waa weyn ee Yurub.

Kooxaha haatan kala hoggaaminaya Shanta horyaal ee ugu waa weyn Yurub:-

Spain – La Liga: Real Sociedad

Germany – Bundesliga: Bayer Leverkusen

Italy – Serie A: AC Milan

France – Ligue 1: Lille

England- Premier League: Tottenham

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles