(Yurub) 31 Jan 2021. Kabtanka kooxda Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa sii wadaya inuu ka fikiro halka uu ku wajahan yahay xilli ciyaareedka soo socda, isagoo rajeynaya inuu ka tago garoonka Santiago Bernabéu.
Qandaraaska Sergio Ramos ee Real Madrid ayaa dhacaya xagaaga soo aadan, waxaana gabi ahaanba burburay wada hadaladii u dhexeeyay isaga iyo maamulka kooxda si loo cusbooneysiiyo heshiiskiisa.
Sida laga soo xigtay wargeyska “Mirror” ee dalka England wadahadaladii Ramos iyo Los Blancos ayaa burburay, ciyaaryahanka ayaana si bilaash ah ula saxiixan doona kooxdiisa cusub bisha July.
Wararka ayaa waxay intaas ku darayaan in wakiilka Sergio Ramos uu door bidayo in ciyaaryahanka uu dalaalka ka yahay uu ku biiro horyaalka Premier League, gaar ahaan maadaama kabtanka Los Blancos uusan ku qancin u dhaqaaqista Paris Saint-Germain.
Warbixinada qaar ayaa waxay tilmaamayaan in Ramos uu durbaba diiday dalabyo uga yimid Aasiya, sababtoo ah qoyskiisa ayaan dooneyn inay halkaas aadaan.
Dhinaca kale wargeyska “Mirror” ayaa sheegay inay jiraan kooxo yar oo awoodi kara inay bixiyaan mushaarka Ramos, maadaama uu qaato in ka badan 200,000 pounds Isbuucii.
Ilo wareedyo ku dhow Ramos ayaa rumeysan in ku biiristiisa kooxaha Manchester City ama Liverpool ay adkaan doonto, laakiin laacibka ayaan rabitaankiisa ka saarin hal koox.
Wararka ayaa waxay xaqiijinayaan in Manchester United ay tahay meesha uu jecelyahay Sergio Ramos, gaar ahaan maadaama Red Devils aysan wax dood ah ka qabin inay la saxiixato ciyaartoy khibrada leh.
Gool FM.