(London) 17 Feb 2021. Kylian Mbappe ayaa la sheegay inuu hoos u dhigay oo iska diiday hadda ka hor ku biirista Kooxda Arsenal oo uu markaas hoggaaminayey Macallin Arsene Wenger.
Xiddiga reer France ayaa indhaha caalamka qabsaday xalay kaddib markii uu saddexleey ugu shubay Kooxda Barcelona oo garoonkeeda joogta kulan qeyb ka ahaa lugta hore ee wareegga 16-ka Champions League.
Kylian Mbappe shaki la’aan waa hibada dhallinyarada looga xiisaha badan yahay kubada cagta adduunka waqtigaan, tan iyo markii uu ku soo biiray Paris Saint-Germain sanadkii 2017-kii ku guuleystaha Koobka Adduunka waxa uu dhaliyey 111 gool 153 kulan oo uu saftay.
22-sano jirkaan ayaa kooxda reer France kaga soo biiray naadiga ay ku xafiiltamaan horyaalka Ligue 1 ee Monaco, laakiin waa ay ka duwanaan lahayd arrintu sidaan, iyadoo weeraryahankan uu iska diiday fursad uu ugu biiri lahaa Kooxda Arsenal oo uu markaas hoggaaminyey Macallin Arsene Wenger.
Tababaraha halyeyga ah ee Gunners ayaa ku tilmaamay Mbappe ‘Pele-ga ku xigga’, laakiin in kastoo uu xiiso ka helay Kooxda ka dhisan Waqooyiga London, haddana wuxuu go’aansaday inuu ku biiro naadiga PSG.
“Waxa uu noqon karaa Pelé-ga xiga,” Wenger ayaa sidaas u sheegay Telefoot sanadkii 2019.
“Ma lahan wax xad ah, waa 18 jir oo kaliya, wuu sii xoogaysan doonaa, aniguba waan doonayay isaga inaan la saxiixdo, laakiin 180 milyan oo euro aad ayay noogu badan tahay.
“Wuxuu haystaa ciyaar dheelli-tiran oo dhanka weerarka ah, wuxuu dhaliyaa goolal, wuuna abuuraa fursado, wuxuu leeyahay tayada ciyaartoyda waa weyn.” ayuu hadalkiisa ku daray Wenger.
Gool FM.