(Yurub) 17 Feb 2021. Tababaraha halyeeyga ah reer Talyaani ee Fabio Capello ayaa cadeeyay inuu rajeynayo in Lionel Messi uu sii joogo kooxda Barcelona, inkastoo qandaraaskiisu dhacayo dhamaadka xilli ciyaareedkaan.
Xiddiga reer Argentina ayaa lala xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo kooxda Paris Saint-Germain kaddib marka uu furmo suuqa kala iibsiga xagaaga, laakiin tababarihii hore ee kooxaha AC Milan iyo Juventus ayaa aaminsan inuusan meelna u socon.
Fabio Capello ayaa wareysi uu ku bixiyay shabakada “Sky Sports” wuxuu ku sheegay:
“Waxaan u maleynayaa in Messi uu sii joogi doono Barcelona, uma maleynayo in Paris Saint-Germain ay qarash gareyn doonto dhamaan lacagaha aan maqalno.”
“Joan Laporta ayaa ugu cadcad inuu mar kale madaxweyne ka noqdo Barcelona, wuxuuna xiriir aad u wanaagsan la leeyahay Messi.”
“Messi wuu jecelyahay Barcelona iyo qof walba oo halkaas jooga, sidaa darteed ma arko wax fursad ah oo aan ku arko isagoo ku biiraya Paris Saint-Germain, Laporta wuxuu xooga saari doonaa sidii uu koox fiican ugu dhisan lahaa Barcelona xilli ciyaareedka soo socda.”
Gool FM.