(Paris) 20 Feb 2021. Tababaraha kooxda kubadda cagta Paris Saint-Germain ee Mauricio Pochettino ayaa ka hadlay mustaqbalka weeraryahankiisa Kylian Mbappé, oo magaciisa lala xiriirinayo inuu ku biirayo naadiga Real Madrid.
Kylian Mbappé ayaa bandhig cajiib ah ka sameeyay kulankii Barcelona ee lugta hore wareega 16-ka tartanka xiisaha badan tartanka Champions League, isagoo dhaliyay saddexleey, xilli ay PSG ku adkaatay 1-4.
Haddaba wargeyska “Sport” ee dalka Spain ayaa wuxuu shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay tababare Mauricio Pochettino, wuxuuna yiri:
“Waxaan kalsooni ku qabnaa in Saint-Germain ay siin karto Kylian Mbappé wax walba oo uu u baahan yahay, si uu ugu faraxsanaado xirfadiisa isboorti.”
“Waxaan u maleynayaa inay tahay arin dhowaan la xalin doono, waxaan ka shaqeyneynay inaan ku sii heyno Paris sanado badan.”
Kylian Mbappé wuxuu kula jiraa kooxda Saint-Germain qandaraas ilaa iyo xagaaga 2022, hadana waxaa jira walaac laga qabo inuu diido inuu cusbooneysiiyo qandaraaskiisa, iyo inuu ku cadaadiyo maamulka PSG inuu ka tago xagaaga 2021.
Intaas kaddib Mauricio Pochettino ayaa wuxuu ka hadlay hadaladii uu ku yiri Lionel Messi ku yiri kulankii ay ku booqdeen garoonka Camp Nou, wuxuuna yiri:
“Waxaan kaliya ku dhahnay sidee tahay iyo nabad galyo gabi ahaanba kama wada hadlin mustaqbalka.”
Magaca Messi ayaa sidoo kale lala xiriirinayaa inuu ku biirayo Saint-Germain xagaaga soo socda, maadaama qandaraaska uu kula jiro Barcelona uu dhacayo dhamaadka xilli ciyaareedkaan, mana ku noola xilligan waqtigiisii ugu fiicnaa.
Gool FM.