(Paris) 03 Maarso 2021. Tababaraha khabiirka ah reer France ee Arsene Wenger ayaa wareysi uu la yeeshay wargayska “Le Parisien” wuxuu ka hadlay dhowr arimood oo laxiriira kubadda cagta xilligan ama mustaqbalka.
Arsene Wenger ayaa ka hadlay mustaqbalka xiddiga reer France France iyo kooxda Paris Saint-Germain ee Kylian Mbappe, gaar ahaan xiisaha weyn ee Real Madrid ay u qabto saxiixa wiilkan dahabiga ah.
Arsene Wenger ayaa inta uu ku guda jiray wareysigan uu ku bixiyay wargayska “Le Parisien”, wuxuu yiri:
“Kylian Mbappé wuxuu noqon doonaa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu fiican adduunka, wuu sii bislaan doonaa in badan ayuu diirada saari doonaa, iyadoo ay da’adiisa sii koreyso, haddana waxtarka ayaa sii kordhi doona.”
“Laga yaabee inuu joogo PSG ama Real Madrid, laakiin waxaan filayaa inuu heli doono Ballon d’Or, waan sugayaa taas, laakiin Mbappé maahan inuu xakameeyo naftiisa, wuxuu ku guuleystay Koobka Adduunka isagoo jira 22 sano, wuxuuna ku celin karaa guulihii Pele, waa inuu hadda ka fikiraa inuu u dagaallamo ku guuleysiga Koobka Adduunka markale.”
“Mbappé wuxuu hadda ku raaxeysanayaa biseyl-nimo weyn, jawiga ciyaaryahanka hareerihiisuna waa mid wanaagsan, waqtigan la joogo waxaa laga yaabaa inaanan xaqiiqsan qiimaha joogitaanka Mbappé ee France, sida ku dhacday Platini, Zidane iyo Henry.”
Gool FM.