(Paris) 11 Maarso 2021. Tababaraha kooxda Paris Saint-Germain ee Mauricio Pochettino ayaa qiray in qaab ciyaareedka goolhaye Keylor Navas intii lagu jiray kulankii lugta labaad ee wareega 16-ka Champions League ay si weyn uga caawisay inay ka fogaadaan in Barcelona ay markale sameyso soo laabasho.
Paris Saint-Germain ayaa tartanka Champions League ka ciribtirtay kooxda Barcelon una gudubtay wareega xiga ee siddeeda, kaadib markii ay barbardhac 1-1 ah ku kala baxeen Barcelona kulankii lugta labaad ee wareega 16-ka, balse PSG ayaa ku soo baxday farqiga goolasha 5-2 maadaama ay kulankii lugta hore ee wareega 16-ka ku soo adkaatay 1-4.
Ciyaarta kaddib Tababaraha kooxda Paris Saint-Germain ee Mauricio Pochettino ayaa u sheegay warbaahinta:
“Navas wuxuu ahaa mid cajiib ah, wuxuu ahaa habeen waalan, wuxuu inbadan caawiyay kooxda, aad ayuu ugu mahadsan yahay, inaan u gudubnay wareega siddeed dhamaadka.”
“Wuxuu qabtay shaqo aad u wanaagsan, waa mid kamid ah goolhaayayaasha ugu fiican aduunka, wuxuuna taasi ku muujiyay garoonka Parc des Princes.”
“Inaan ku guuleysano 5-2 180 daqiiqo kaddib, weli aad ayaan u faraxsanahay, waxaan u soo baxnay wareega siddeed dhamaadka tartanka Champions League taasna muhiim ayey u tahay kooxda.”
“Qeybtii hore uma aysan socon sidii aan dooneynay, waan ka niyad jabnay qeybtii hore dartiis, balse waxaan hagaajinay waxyaabaha qaar qeybtii labaad, waxaana sare u qaadnay heerka, waxaana ku fiicneyn ciyaarista kubadda.”
Gool FM.