(Yurub) 20 Maarso 2021. Kulamo ka tirsan shanta horyaal ee ugu waa weyn qaaradda Yurub ayaa maanta & caawa la ciyaari doonaa, waxaana ay kala yihiin, horyaalada Premier League, La Liga, Bundesliga, Serie A iyo Ligue 1.
Horyaalka Premier League ayaa laga ciyaari doonaa hal kulan oo kaliya caawa, waxaana madaxa isla geli doona kooxaha Brighton & Hove Albion vs Newcastle United.
Horyaalka Serie A ee dalka Taliyaaniga ayaa laga ciyaari doonaa labo kulan, iyadoo kulankii dhexmari lahaa kooxaha Inter vs Sassuolo maanta loo baajiyey sababo la xiriira caabuqa Korona Faryas.
Kooxda Real Madrid ayaa u safri doonta Celta Vigo kulan ka tirsan horyaalka Serie A oo sidoo kale caawa la dheeli doono, halka horyaallada Ligue iyo Bundesliga iyagana la ciyaari doono.
Dhinaca kale kulammo ka tirsan tartanka FA Cup-ka ayaa maanta iyo caawa la kala ciayari doonaa Bournemouth ayaa soo dhoweyn doonta Southampton, halka Manchester City iyo Everton ay caawa isku dheggan yihiin.
Haddaba halkaan hoose ka eeg guud ahaan kulammada caawa laga ciyaari doono horyaallada waa weyn ee Yurub, tartammada maxalliga ah & Saacadaha ay soo geli doonaan:-
ENGLAND – PREMIER LEAGUE
11:00 Habeennimo Brighton & Hove Albion vs Newcastle United
ENGLAND – FA CUP
03:15 Galabnimo AFC Bournemouth vs Southampton
08:30 Habeennimo Everton vs Manchester City
SPAIN – LALIGA SANTANDER
04:00 Galabnimo Athletic Bilbao vs Eibar
06:15 Maqribnimo Celta Vigo vs Real Madrid
08:30 Habeennimo SD Huesca vs Osasuna
11:00 Habeennimo Real Valladolid vs Sevilla
GERMANY – BUNDESLIGA
05:30 Galabnimo 1. FC Köln vs Borussia Dortmund
05:30 Galabnimo Bayern Munich vs VfB Stuttgart
05:30 Galabnimo Eintracht Frankfurt vs Union Berlin
05:30 Galabnimo Werder Bremen vs Wolfsburg
08:30 Habeennimo Schalke 04 vs Borussia Moenchengladbach
ITALY – SERIE A
05:00 Galabnimo Crotone vs Bologna
08:00 Habeennimo Spezia vs Cagliari
La baajiyey: Inter vs Sassuolo
FRANCE – LIGUE 1
03:00 Galabnimo Metz vs Rennes
07:00 Fiidnimo Nice vs Marseille
FG: Dhammaan saacadaha aan kor ku soo sheegnay waa xilliga geeska Afrika ama saacadda Soomaaliya.
Gool FM.