(Paris) 26 Maarso 2021. Xiriirka kubadda cagta Faransiiska ayaa ku dhawaaqay dhaawaca laacibkooda iyo xiddigga kooxda Chelsea ee N’Golo Kanté, xilli uu ka qeyb galayay ciyaartii ugu dambeysay ay la ciyaareen Ukraine.
N’Golo Kanté oo dhawaanahan wacdaro ka dhigayay kooxda Chelsea ayaa wuxuu qeyb ka noqday safka uu ku soo biloowday xulka qaranka France kulankii Ukraine ee ka tirsanaa kulammada isreeb-reebka koobka adduunka ee 2022.
Xiddiga reer France ayuu dhaawac ka soo gaadhay muruqa, wuxuuna maray dhowr baadhitaan caafimaad khamiistii, taas oo la xaqiijiyey in dhaawaca loo arko mid fudud, laakiin aanu ka qayb geli doonin kulammada soo socda ee xulka qaranka France, isla markaana uu ku laaban doono kooxda Chelsea.
Xiriirka Kubadda Cagta Faransiiska ayaa daabacay war-saxaafadeed ku saabsan dhaawaca N’Golo Kanté, waxayna u qorneyd sidan:
“N’Golo Kanté kama qeyb geli doono labada kulan ee soo socota ee xulka qaranka France ee Axadda ay la ciyaarayaan Kazakhstan, iyo seddex maalmood kaddib marka ay wajahayaan Bosnia and Herzegovina.”
“Kanté wuxuu dareemay xanuun muruqa ah kaddib dhamaadka ciyaartii u dhaxeysay France iyo Ukraine Arbacadii la soo dhaafay, kaddib markii uu maray dhowr baaritaan caafimaad waxaa lagu ogaaday in dhaawaca uu yahay mid fudud.”
“Markii aan la tashanayay dhakhtarka xulka qaranka, iyo tababaraha xulka France Didier Deschamps ayaa go’aansaday inuu N’Golo Kanté ku laabto kooxdiisii Chelsea.”
Wararka ayaa waxay intaas ku sii darayaan in tababaraha kooxda Chelsea ee Thomas Tuchel uu ka walaacsan yahay in xiddiga reer France uu awoodi waayo inuu ka qeyb galo kulankooda soo socda ee siddeed dhamaadka Champions League, , kaasoo la qorsheeyay in la ciyaaro kaddib kulammada caalamiga ah.
Si kastaba ha ahaatee, Shaqaalaha caafimaadka ee kooxda Chelsea ayaa ka shaqeyn doona sida ugu macquusan ugu dhaqsiyaha badan ee lagu heli karo adeega madaalaha reer France.
Gool FM.