(Paris) 01 Abril 2021. Weeraryahanka kooxda Paris Saint-Germain ee Kylian Mbappé ayaa si maldahan u sheegay inay macquul tahay inuu ka tago PSG, sababa la xiriira diirad saarida xoogan ee qaar ka mid ah warbaahinta dalkiisa ay ku dhaleeceynayaan iyo muranka ka taagan halka xigta ee uu tagayo.
Kylian Mbappé ayaa wareysi uu ku bixiyay “RTL” wuxuu ku sheegay:
“Dhaleeceynta ayaa noqotay qeyb ka mid ah nolol maalmeedkeyga, iyadoo la tixgelinayo inaan ka ciyaaro tartan aysan meelna uga banaaneyn ciyaar furan wareeg kasta.”
“Halkaas kuma joogsaneyso, laakiin sidoo kale mowqifkeyga garoonka .. Ma doonayo in aan in badan ka hadlo arrinta, sababtoo ah waa hadalo aan waxtar lahayn, sidaa darteed kama hadli doono arrintan mar dambe.”
“Waxa ugu muhiimsan ayaa ah in xulka qaranka ama kooxdeyda ay guuleysato, maxaa yeelay wada shaqeynta kooxeed ayaa ka sareysa wax walba.”
“Dabcan, waan ka daalay dhaliisha iyo muranka badan, gaar ahaan maadaama aan u ciyaarayo koox ka ka dhisan gudaha dalkayga, wax walbana oo aan haysto waxaan siiyaa xulka qaranka, sidaas darteed inyar kaddib arinta waxay isku badeshay mowduuc walaac leh.”
“Laakiin arintu way ka duwan tahay ciyaartoyda ka ciyaara dibada, maadaama ay ku sugan yihiin kaliya France inta lagu jiro xeryaha xulka qaranka, halka aan joogo halkaan markasta, marka waxaa jira dodo badan oo aniga igu hareereysan.”
“Laakiin waan ogaa markii aan u saxiixayay Paris Saint-Germain, inaan gali doono wareegan .. Laakiin goor dambe ayaan arki doonaa waxa dhici doona. muranka iyo diirad saarida warbaahinta igu hareereysan ayaa si weyn ii saameynaya, marka waxa ugu muhiimsan ayaa ah inaad dareento raaxo iyo qanacsanaan meel kasta oo aad joogto, oo aad ku raaxeysato noloshaada maalin kasta.”
“Laakiin wali ma aanan qaadin talaabo cusub. haddii aan sidaas sameeyo, dabcan, si dhaqso leh ayaan uga hadli doonaa … Marka aan gaaro go’aankeyga, waan shaacin doonaa.”
Qandaraaska Kylian Mbappé ee kooxda Paris Saint-Germain wuxuu dhacayaa xagaaga 2022, waxaana isha ku haya adeegiisa kooxo badan oo waaweyn, gaar ahaan Real Madrid.
Gool FM.