(Munich) 07 Abril 2021. Paris Saint-Germain ayaa guul ka soo heshay kooxda Bayern Munich oo ay ku booqatay garoonka Allianz Arena, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 2-3, kulankii lugta hore siddeed dhammaadka Champions League.
Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-2 ay ku hoggaaminysay kooxda martida aheyd ee Paris Saint-Germain.
Daqiiqadii 3-aad Paris Saint-Germain ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 0-1 ka dhigay Kylian Mbappe, kaddib markii uu caawin ka helay saaxiibkiis Neymar Jr.
28 daqiiqo marka ay dheesha mareysay kabtanta kooxda PSG ee Marquinhos oo caawin ka helay saaxiibkiis Neymar Jr ayaa wuxuu ciyaarta ka dhigay 0-2.
Laakiin daqiiqadii 37-aad kooxda Bayern Munich ayaa dhalisay gool, waxaana ciyaarta 1-2 ka dhigay Eric Maxim Choupo-Moting, kaddib markii uu caawin ka helay saaxiibkiis Benjamin Pavard.
Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.
Daqiiqadii 61-aad Bayern Munich ayaa la timid goolka barbardhaca kaddib markii uu 2-2 ka dhigay Thomas Mueller, waxaana goolkan ka caawiyay Joshua Kimmich.
68 daqiiqo marka ay dheesha mareysay Kylian Mbappe ayaa wuxuu markale hoggaanka u dhiibay Paris Saint-Germain, wuxuuna dheesha ka dhigay 2-3.
Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku dhamaatay 2-3 ay kaga soo adkaatay Paris Saint-Germain kooxda Bayern Munich oo ay ku booqatay garoonka Allianz Arena, xilli ciyaartan ay qeyb ka aheyd kulammada lugta hore wareega siddeed dhamaadka ee tartanka UEFA Champions League.
SAWIRRO:
Gool FM.