(Paris) 12 Abriil 2021. Kooxda Paris Saint-Germain ayaa la soo warinayaa inay wadahadallo la bilowday wakiillada Weeraryahanka Liverpool ee Mohamed Salah si ula soo wareegaan suuqa xagaaga.
Kooxda difaacanaysa horyaalka Faransiiska ayaa ku dhow inay Neymar kala heshiiso qandaraas kordhin gaaraysa illaa sanadka 2026, xilli mustaqbalka Kylian Mbappe uusan fadhin, iyadoo qandaraaska wiilka reer France uu dhacayo 2022.
Kooxaha Liverpool iyo Real Madrid ayaa soo bandhigay xiiso ay u qabaan Mbappe, sidaa darteed PSG waxa ay raadinaysa bedelka ku guuleystaha Koobka Adduunka, waxaana wararka qaar ay sheegayaa in macallin Mauricio Pochettino uu la xiriiray Weerarka Kooxda Tottenham Hotspur ee Harry Kane.
Haatan Majaladda Faransiiska ee Telefoot ayaa shaaca ka qaaday in PSG ay wada hadallo la furatay Wakiillada Salah, iyadoo Mustaqbalka laacibka Masaarida ee Liverpool uusan ahayn mid sal fadhiya leh kaddib markii uu diiday inuu meesha ka saaro u dhaqaaqista koox kale.
Xitaa haddii ay jiraan wararka sheegaya in Kooxda Liverpool ay xiiso u qabto Mbappe, ma jirto soo jeedin ku aaddan in labada kooxood ay ka fikirayaan heshiis is dhaafsi ah oo ku aaddan labadaan weeraryahan suuqa xagaaga.
Salah ayaa xilli ciyaareedkan horyaalka Premier League ka dhaliyey 19 gool kaddib goolkii barbaraha ee Sabtidii uu ugu shubay Aston Villa oo ay uga adkaadeen 2-1, waxaana qandaraaskiisa Anfield uu ku eg yahay bisha June ee sanadka 2023-ka.
Gool FM.